Arbaco,
Guddoomiyaha Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in ergooyinka shirka ka qeybgalaya oo maalmihii tegay ka doodayay qodobo ku saabsanaa xalinta khilaafaadyada Beelaha iyo kuwo kale oo xasaasi ah ay isku af-garteen in shirka uu u gudbo wejigiisa labaad, wuxuuna carrabka ku dhuftay in shirka ay ka soo bixi doonaan go’aanno ay ergooyinka soo saareen oo ku saabsan heshiiyada lagu gaaray wejiga koowaad ee shirka. Halkan ka dhegeyso
Haddaba iyadoo uu guddiga maamulaya shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu sheegayo in shirka uu u gudbay wejigiisii labaad ayaa hadana waxaa jira cabashooyin ka imaanaya ergooyinka shirka ka qeybgelaya, kuwaasi oo qaarkood ay sheegayaan in aan lagu tixgelin doodihii ay ergooyinka is-dhaafsanayeen iyo in aan shirka la keenin Duubabka Dhaqanka qaar ka mid ah Beelaha Shirka ka qeybgelaya oo go’aannada la gaaray wax ku lahaan lahaa.
Maxamed Shiikh oo ku hadlayay magaca Beesha Habar-gidir, isla markaana Shirka ka qeybgelaya ayaa sheegay in aan shirka la keenin inta badan Duubabka Dhaqanka Beelaha Hawiye, halka uu carrabka ku dhuftay in Beelaha qaarkood Duubabkooda diyaarado loo diray, halka kuwo kalena Gaadiid dheereeya lagu soo qaaday.
Maxamed Shiikh waxaa uu sheegay in ay taasi u arkayaan arrin uu Guddiga Shirka dib u heshiisiinta ugu kala eexanayo Beelaha Soomaaliyeed,”Shirka haddii la doonayo in ay wax ka soo baxaan waa in Guddiga maamulaya uu noqdaa mid caddaalad wax ku maamula”ayuu yiri Maxamed Shiikh oo intaas ku daray in xitaa markii ergooyinka shirka ka hadlayeen codkooda sare loo qaadayay dad gaar ah.
Horayna Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka Beelaha Abgaal ayaa mar uu ka hadlayay Madasha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in ay garbahiisa ka maqan yihiin Duubabkii Dhaqanka Beelaha Hawiye, “Waa maqan yihiin Duubabka Dhaqanka Beelaha Hawiye badankood waxaa maqan Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Nuur, Ugaas C/qaadir Ugaas Faro-cadde, mana aqaano si ay taasi ku dhacday”ayuu yiri Imaam Maxamuud oo Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta ka codsaday in ay shirka keenaan Duubabkaas.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo 15-kii bishan ka furmay Xaruntii Gaadiidka Booliska oo ku taala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgelaya ergooyin ku dhow 2000 Ergay, kuwaasi oo ka kala socda Beelaha Soomaaliya, hayeeshee waxaa qaadacay oo shirkaas in ay ka qeybgalaan diiday Maxkamadihii Islaamka, Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye iyo weliba Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah oo ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






