12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo is casilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 08, 2007(HOL): Idaacadda Hargeysa ayaa shalay shaaca ka qaaday in Wasiriikii Caafimaadka Xukuumadda Somaliland Cabdillaahi Xuseen Iimaan “Darawal” uu is casilay.

 

Idaacadda ayaa sheegtay in Wasiirka uu warqada is-casilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, kaasoo isna aqbalay is-casilaadda uu u gudbiyay Wasiirka.

 

Wasiriikii Caafimaadka Dowladda Somaliland Cabdilaahi Xuseen Iimaan “Darawal” ayaa qaar ka mid ah Saxaafada u sheegay inuu go’aansaday in xilkaan uu iska wareejiyo, isagoo sheegay in aysan cid kula talin in xilka uu iska casilo, balse uu isaga iskiis u go’aansaday. Darawal waxa uu sheegay in aanu wax faahfaahin ah oo intaas ka badan aanu bixinayn inta ka horraysa maalinta xilwareejinta.

 

Wasiirka Caafimaadka, Mudane Darawal ayaa lagu tilmaamaa wasiirka ugu macquulsan xukuumadda ee aan shaqadiisa ka war-wareegin, iyadoo dadweynaha Somaliland ay la yaabeen xilka uu iska casilay wasiirka xiligaan.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalmihii ugu dambeeyay ay jireen khilaafyo isa soo taraya oo u dhaxeeya Darawal iyo Madaxweyne Riyaale taasoo dadka intooda badan iyo Siyaasiyiinta ay u badinayaan in ay keentay is-casilaaddiisa.

 

Warar ku dhow-dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Riyaale uu isla maanta u yeeray nin la yidhaahdo Tiimbaro oo mar Maayor ku xigeen ka ahaa Caasimadda, kaas oo loo maleynayo in lagu bedelayo Wasiriikii Caafimaadka Dowladda Somaliland Cabdilaahi Xuseen Iimaan “Darawal”.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, arintaan ayaa ku soo beegantay xili Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin uu kalfadhi aan caadi aheyn isugu yeeray Baarlamaanka Somaliland.

 

Abdifitahaam Ahmed

Hargeysa – Somaliland

Email: abdifitahaam@gmail.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).