12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Qarax iyo Dil xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 08, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay dil iyo qaraxyo geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Waxaa xalay lagu dilay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir marxuum Aadan Faarax Jimcaale Looteeye), kaasi oo ka tirsana madaxda Waaxaha Degmadaas, waxaana la sheegay in ay marxuumka dileen kooxo bastoolado ku hubeysnaa.

 

Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Macallin Cabdulle ayaa xaqiijiyay dilka marxuumka, wuxuuna sheegay in kooxihii dilay oo baxsaday ay ku daba jiraan Ciidamada Saldhigga Booliska Degmadaas.

 

Dilka Marxuumka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo magaalada Muqdisho horay loogu dilay Guddoomiyayaal Degmo, ku xigeenadooda iyo weliba Guddoomiye Waaxeedyo, iyadoo ilaa iyo haatanna aysan jirin cid loo soo qabtay dilka mas’uuliyiintaas.

 

Dhanka kalena xalay fiidnimadii ayaa labo qarax waxaa lagu weeraray Saldhigga Booliska Howl-wadaag iyo Shineemo ay dhalinyaro ku daawanayeen Filim Hindi ah, taasi oo ku taala Deegaanka Ceel-dheere ee Degmada Dharkeenley, iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah dhalinyaradii Filimka daawaneysay.

 

Qaraxa lagu weeraray Saldhigga Booliska Howl-wadaag ayaa waxaa ku dhaawacmay shan ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Ciidamadii Saldhigga joogay, halka seddexda kalena ay ahaayeen dad rayid ah oo guryahooda uu ugu galay firir ka dhashay qaraxaas.

 

Ugu dambeyntiina ma ahan markii ugu horeysay oo Saldhigga Howl-wadaag weerar ceynkan oo kale ah lagu qaado, waxaana jirtay in dhowr jeer oo hore Bambooyin lagu weeraray. Sidoo kalena Saldhigyada Booliska Degmooyinka Huriwaa, Kaaraan, Yaaqshiid, Waaberi, Hodan iyo Wadajir ayaa iyana dhowr jeer la weeraray, iyadoo weeraradaasina la sheego in ay ka dambeeyaan kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).