Arbaco, August 08, 2007(HOL): Shirkii labaad oo muddo todobaad gudihiis ah ay iskugu yimaadeen Dowladda Uganda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ku nool ayaa galabta mar kale ka dhacay hoyga guddoomiyaha Somali Community Association in Uganda Xuseen Abuukar Xasan (Xuseen Garweyne).
Labada wakiil ee ka socotay Xaafiiska Madaxweynaha ee Alex Abeneitwe iyo Ssanja Erie ayaa sheegay in Madaxweynaha Uganda Yoweri K. Museveni uu u kulul yahay inuu arko Soomaalida Uganda oo soo buuxisa sharuudaha lagarabo, isla markaana ka faa’iideysata mashruucyo badan oo dowladdu u heyso Jaaliyadda.
“Waxaad tihiin Jaaliyadda ama qoyska uu Madaxweyne Museveni ugu jecel yahay marka loo ego qoomiyadaha iyo jaaliyadaha kala duwan ee ku nool wadankan, Soomaalida wuxuu u aaminsan yahay in yihiin dad wanaagsan oo waa la dhacsan yahay, sidaas daraadeed wuxuu idinka doonayaa inuu helo maamul ahaan dad kala dambeeya oo muujiya han iyo wax la qeybsi dadka kale” sidaas waxa yiri Alex Abeneitwe oo ah madaxa District Internal Security Organization (DISO) ee Kampala, isla markaana ah ergay gooni ah oo ka shaqeeya Xafiiska Madaxweyne Museveni, “Waxaan ku soconnaa amar uu na soo siiyay madaxweyne Museveni kaas oo ah in aad yeelataan qaab isku xirnaansho iyo wadashaqeyn dhexdiina ah iyo mid aad dowladda la yeelataan, waxaana dooneynaa in aan wada shaqeyno” ayuu sii raaciyay Mr Abeneitwe.
Haddaba kulankii maanta oo ahaa mid aad u xiiso badnaa ayaa la isku raacay qodobo dhowr ah waxaana qodobadaas ka mid ahaa:-
Xoojinta guddiyada kala duwan ee Somali Community, si loo helo ama ay Soomaalida
In guud ahaan la diiwan galiyo Soomaalida halkan Uganda ku nool, haddi ay ahan lahaayeen Qaxooti, Somali-uganda ama dadka heysta jinsiyadda wadankan iyo sidoo kale dadka Ganacsiga iyo booqashooyinka ku jooga, si loo ogaado Number-ka ma tirada guud ee Soomalida ah ee bustahoodu yaalo Uganda
In la furo 5-xaafiis oo hoos taga Somali Community kuwaas oo la kala macaamilaya qeybaha mid kasta lagu haleeyo, waxayna kala yihiin:
Xaafiiska Caafimaadka
Xaafiiska Waxbarashada
Xaafiiska qaxootiga
Xaafiiska dad heysta jinsiyadda ama baasaboorka
Xaafiiska dadka Soomaalida ah ee ganacsiga, waxbarashada iyo booqashooyinka ku jooga
In si ammaanka dadka Soomaalida ah uu u noqdo mid adag, isla markaana ay diiwaan galinta u fududaato degmada Soomaalida ee Kisenyi loo kala qeybiyo 5 waaxood oo kala ah central Kisenyi, Kasato, Kakajo, Masaja iyo Mengo Hill.
In dadka Soomaalida ah ay ka faa’iideysto mashruuca “BONA BOGGAG WALLE” oo markii Af-soomaali loo bedelo noqoneysa “QOF KASTAAHI HA TAAJIRO” kaas oo ah mashruuc deyn ay oo ay dadku ka qaadanayaa Bangiyada dowladda, isla markaana ay ku qabsanayaan edeegyada ay daneynayaan.
In loo fududeeyo dadka Soomaalida ah socdaaladda ay ku tagayaan wadamada deriska ah iyo sidaas oo kale in loo fududeeyo wixii document ah oo ay dowlada dhinaceeda ka rabaan.
In dowladda
In dhinaca waxbarashada gacan weyn la siiyo Soomaalida halkaan, gaar ahaan dhinaca waxbarashada caafimaadka.
Dhammaan qodobadan waxay dhaqan gali doonaan wixii ka dambeeya maalinta isniinta ah ee soo socota, waxaana markaas bilaaban doona diiwaan-galinta oo ah mid dadka Soomaalida ah lagu ogaanayo tiradooda.
Guud ahaan dadkii shirkas ka soo qeyn galay oo kala socoday qabaa’ilka iyo qeybaha bulshada ee, haddii ay ahaan lahaayeen Duqey, waxgarad, aqoonyahano, haween iyo dhalinyaro intaba waxay muujiyeen in ay ku faraxsan yihiin qodobadan, iyadoo markii shirkaas uu dhammaaday ay Odayaasha Jaaliyadda yeesheen kulan lagu xulayo guddiyadii howshaas qaban lahaa.
Guddoomiye Xuseen Garweyne ayaa ugu dambeyntii isagoo ku hadlayay magaca Soomaalida wuxuu dowladda
Faarax Maxamed
Email: farahblue_545@hotmail.com
Kampala-Uganda
Mobile +256 (0) 774228112






