12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay in dib loo furay Suuqii Bacadlaha Xamar-weyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, August 07, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta soo saaray wareegto ku socota ganacsatada dharka ayaa ku sheegay in dib loo furay suuqii Bacadlaha ee Xamarweyne, isla markaana ay ganacsatadu suuqaas dagi karaan kuna ganacsan karaan, wixii maanta ka dambeeya.

 

Wareegtayadaan oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa waxaa lagu sheegay in dhismaha bacadlihii hore ee Xamarweyne ay dhameytiri doonaan maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana laga kireyn doono ganacsatada doonaysa inay halkaas ku ganacsadaan.

 

Qoraalkaa ka soo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in ganacsadihii doonaya inuu dago bacadlahaas uu ku iibsanayo lacag gaaraysa 2-kun oo Dollar, iyadoo la sheegay in ganacsadaha markaas kaddib uu bixinayo lacag kiro ah, iyadoo loo eegayo hadba qaybta uu ka doonayo inuu kaga ganacsado dhismaha bacadlaha oo ka kooban saddex dabaq.

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku xusay wareegtada dib loogu furay Bacadlihii dharka ee Xamarweyne in ganacsatada doonaysa inay ku ganacsadaan ay waraaqo ogolaasho ah ka soo qaataan Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir, iyadoo qofkii aan wadan warqaddaas uusan boos ka helayn bacadlaha.

 

Wareegtada ayaa lagu qeexay kirooyinka loo kala gooyay saddexda dabaq ee uu ka kooban yahay bacadlihii hore ee Xamarweyne, iyadoo dabaqa koowaad 35-Dollar, Dabaqa labaadna uu yahay 25-Dollar, halka dabaqa Saddexaadna oo ah kan ugu sarreeya ay kiradiisu tahay 15-Dollar bihsiiba.

 

Wixii ka dambeeyay markii uu fowdada galay Suuqa Bakaaraha ayuu maamulka Gobolka Banaadir qorsheynayay inuu dib u howlgeliyo suuqyadii Xamarweyne iyo Siinaay oo ku xirmay dagaalladii sokeeye, isla markaana aan dib u howlgelin, inkastoo, ganacsatada qaarkeed ay sheegayaan inay ku adag tahay in ganacsi naf leh ka sameyn karaan suuqyadaas.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).