12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo maalintii seddexaad howlgallo ka wada xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, August 07, 2007(HOL): Waxaa maalintii saddexaad ay baaritaanno hub uruurin ah ka sameynayaan ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyagoo maantana baaritaan ballaaran ka wada Degmada Huriwaa.

 

Xaafadaha degmada Huriwaa ayaa waxay ciidammadu diideen inay isticmaalaan gaadiidka iyo ddka socotada ah, iyadoo dadka lagu wargelinayay inaysan guryahooda kasoo bixin inta ay baaritaannada socdaan.

 

Dad badan oo deggen Degmada ay baaritaannada ka wadaan ciidammada dowladda iyo kuwa Itoobiy ayaa waxay ka xumaadeen xannibaadda ay kala kulmeen ciidammada, iyagoo sheegay inaysan maanta aadin goobahoodii shaqada iyo waxbarashada,

 

Dhanka kale, afar ruux oo  la sheegay inay ahaayeen nin ganacsade ah iyo saddex ruux oo kala shaqeynayay Dukaan weyn oo uu ku lahaa xaafadda Caymiska ee Degmada Yaashiid ayay wateen ciidammada baaritaanka sameynayay.

 

Goobjoogayaal ayaa waxay xaqiijiyeen in dadkaas la watay aan la garanayn meel ay la aadeen ciidammadii watay, balse waxay wararka qaarkood sheegayaa in afartaas ruux la geeyay warshaddii hore ee baastada oo fariisin u ah ciidammada Dowladda Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.

 

Ugu dambeyntiina, baaritaannada ayaa waxay yihiin kuwo socday maalintii saddexaad, waxaana baaritaannadaan ay noqonayaan kuwii ugu ballaarnaa ee ka socda Magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in intii ay  howlgalladaan socdeen ay ciidammadaas qabteen dad badan oo ay ku tuhmayeen inay ka dambeeyaan falalka nabadgalyo darrada ah ah ee ka jira Muqdisho, inkastoo meelaha qaarkood la sheegayo in ciidammadu ay dileen dad ay qabteen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).