12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo maanta Muqdisho tegay, hadalna u jeediyay Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, August 07, 2007(HOL): Danjire François Lonseny Fall oo ah ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa wuxuu ku sheegay hadal uu ka jeediyay madashada shirka Qaran ee beelah Soomaaliyeed in Qarammada midoobay ay gacansiinayso shirka Qaran.

 

Danjire Fall oo ergooyinka shirka la hadlayay ayaa yiri: “Qarammada Midoobay waxay shirka Qaran ka taageeraysaa dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxayna soo dhaweynaysaa qaabka uu ku socdo shirka”.

 

Mar uu ka hadlay sida ay Qaramada Midoobay u doonayso in shirka ay kasoo qaybgalaan dhinacyada ka maqan ayuu yiri: “Waxaa xiriirro kala duwan oo aan la soo sameynay Cali Mahdi uga codsannay inuu u ogolaado xubnaha shirka ka maqan inay ka soo qabgalaan, wuuna naga ogolaaday”.

 

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay wuxuu carrabka ku adkeeyay in xubnaha shirka ka qaybqaadanaya looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka uu shirka ku socdo.

 

Wafdiga la socday Dajire Fall oo ay ka mid ahaayeen xubno ka socday Midowga Yurub iyo safaaradaha Norway iyo Masar ayaa waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin sida uu shirku ku socdo, waxayna ballanqaadeen inay mar kale shirka dib ugu soo laabanayaan si ay u ogaadaan natiijooyinka la gaaray.

 

Danjire Fall oo intii uu hadlaayey ay khudbadiisu ay hareyneysey sacab iyo heeso qiiro leh oo ay qaadayeen qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntii hoosta ka xariiqay inuu ergooyinka Shirweynaha Qaran xusuusinaayo in shirkaani yahay mid naadir ama dhif ah oo noociisa oo kale ah oo Soomaaliya lagu qabto, sidaasi daraadeedna shirweynaha mas’uuliyad gaar ah dusha ka saarayo ka qeybgalayaasha shirka, isla markaana looga baahan yahay in ay la yimaadaan is xilqaan ay uga miro dhaliyaan socoshadda shirweynaha iyagoo ka fogaanaya inay dayacaan fursadan hor taalla.

 

Khudbadaasi Fall ayaa waxaa si aad ah ugu guuxey, isla markaana si weyn u soo dhaweeeyey ergooyinka Beelaha Soomaaliyeed, iyagoo sacab iyo sawaxan ku muujiyay sida ay raaliga uga yihiin booqashadda wafdigaasi iyo khudbadaasi uu Fall ka jeediyey madasha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Maxkamadaha Islaamka iyo xubnaha la baxay baarlamaanka xorta ah ee ku sugan Magaalada Asmara ee dalka Eritrea, ayaa waxay horay u sheegeen inaysan ka soo qaybgalaynin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyagoo diidmadooda saldhig uga dhigay laba qodob oo kala ah, inay dalka ka baxaan ciidammada Itoobiya iyo shirka lagu qabto goob dhexdhexaad ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).