12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Dadka Muqdisho oo noqday dhibanayaal dhexda u galay weerarrada u dhaxeeya dhinacyada Muqdisho isaga soo horjeeda

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, August 06, 2007HOL):
Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxay noqdeen kuwo dhibanayaal ah oo sugaya dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaara weerarrada u dhaxeeya Ciidamada Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

 

Weerarrada hubeysan ee labada dhinac dhexmara ayaa waxyeellada ugu badan waxay ka soo gaartaan dadkaas, iyadoo mar ay ku dhintaan, kuna dhaawacmaan Madaafiicda iyo Bambooyinka ay kooxaha wax iska caabinta ah tuuraan, halka sidoo kalena ay dhibaato intaas la eg ka soo gaarto madaafiicda iyo Rasaasta ay tuuraan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

 

Saakay ayaa ugu dambeysay labo qarax oo loola dan lahaa  ciidamo Itoobiyaan ah oo baaritaanno ka sameynayay Deegaanka Gubta ayaa waxaa ku dhimatay Haweeney, taasi oo la sheegay in labo caruur ah oo ay dhashayna ay dhawaan ku geeriyoodeen madaafiic ay tuureen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium.

 

Sidoo kalena Qarax ka dhacay Xaafadda SOS ee Degmada Huriwaa ayaa waxaa ku dhintay hal ruux oo rayid ah, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay labo ruux oo kale, kuwaasi oo la sheegay in ay wadada iska socdeen markii ay waxyeellada ka soo gaareysay qaraxaas.

 

U turid la’aanta ay labada dhinac ee Muqdisho weerarrada ugu dhaxeeyaan ay kula kacayaan dadka rayidka ah ayaa waxay keentay in ay dad badan isaga qaxaan guryahooda, isla markaana ay deegaanno ka sameystaan magaalada duleedkeeda.

 

Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay oo dhawaan booqday deegaanada ay ku sugan yihiin dadkaasi Muqdisho ka barakacay ayaa dadkii ay la kulmeen waxay u sheegeen in aysan ku laaban karin guryahooda sababo la xiriira in aanu ammaanka Muqdisho hagaagsaneyn, isla markaana ay qaraxyo iyo is-rasaaseyn joogto ah ka dhacayaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).