13.2 C
London
Monday, November 10, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo maalintii labad baaritaano ka wadaan Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 06, 2007HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa maalintii labaad waxay baritaano ku sameeyeen xaafado ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo meelaha ay baaritaannada ka sameeyeenna la soo sheegayo in ay ka joojiyeen isu socoda dadka iyo gaadiidka.

 

Xaafadaha Xamar Jadiid, Gubta iyo kuwo u dhowr Xeradii Guul-Wadayaasha ayay saakay baaritaannadii ugu badnaa ka sameeyeen, iyadoo ciidamada ay xaafadahooda ku xayireen dad shaqo u socday iyo Arday waxbarasho aadi lahayd.

 

Dadkii ay ciidamadan ka joojiyeen howlahooda shaqo iyo Ardaydii ay u diideen in ay aadaan goobahooda waxbarashada ayaa waxay sheegay in ay aad uga xun yihiin xayiraadda ay ku sameeyeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, waxayna dowladda federaalka ka codsadeen in laga daayo go’doominta lagu hayo.

 

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kuw Itoobiyaan ah ayaa saakay waxay markii seddexaad baaris ku sameeyeen Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik, iyadoo ay ciidamadu gudaha u galeen Istuudiyayaasha Idaacaddaas oo hawada ku jiray, inkastoo aysan wax qash-qashaad ah u geysan wariyayaashii howsha waday.

 

Ciidamadan ayaa markii ay galeen gudaha Xarunta Idaacadda Horn Afrik, waxay u sheegeen howl-wadeenada Idaacadda joogay in ay gudaha Idaacadda ka baarayaan hub iyo waxyaabo qarxa, walow ay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Idaacadda u sheegeen hor-joogayaashii Ciidamadaas in hubkii Idaacadda lagu ilaalin jiray horay loogu wareejiyay Dowladda Federaalka.

 

Wariyayaasha iyo shaqaalaha kale ee Horn Afrik ayaa saakay gelinkii hore oo dhan waxaa loo diiday in ay Idaacadda galaan ama ay ka soo baxaan, iyadoo nawaaxiga Xarunta Idaacaddana la dhigay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray.

 

Maalintii shalay ahayd ayay Ciidamadan baaritaano ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmooyinka, Hodan, Howl-Wadaag iyo Wardhiigley, iyagoo halkaasina ka kaxeystay dad badan oo ay uga shakiyeen in ay ku lug leeyihiin falalka nabadgelyo darrada ah ee ka jira Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).