Axad,
beelaha waxay kala guddoomeen kitaabada Qur’aanka kariimka ah oo beel walba xaalmaris ahaan loo siiyay, iyadoo beel kastaahi ay madasha ka caddaysay markii ay gudoontay kitaabadaasi inay ku qanacsan tahay is cafinta beelaha Soomaaliyeed dhex martay.
Shir gudoonka shirka Qaran ee Beelaha Soomaaliyeed Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa soo jeediyay inay Beelaha Soomaaliyeed isku xaal mariyaan Kitaabka Alle, wuxuuna sheegay in marka hore ay beesha Hawiye xaal mariso Beesha Daarood, iyadoo intaasi kadibna ay labada beelood ee Hawiye iyo Daarood si wadajir ah u xaal marin doonaan beesha Digil iyo Mirifle, intaasi dabadeedna ay saddexda beelood ee Hawiye, Daarood iyo Digil iyo Mirifle oo wadajira ay wada xaal marinayaan beesha Dir, kuwaasi oo marka danbe afarta Beelood si wadajira xaal marinayaan Beesha Shanaad oo eedo badan ka wada tirsanaysa wallaalahooda kale.
Tallo soo jeedintaasi kadib ayaa beelaha Soomaaliyeed waxay si kala gooni gooni ah ay u fuliyeen codsigii guddoonka sidii loogu talagalay, waxaana beel walba hogaaminayay madax dhaqameedka ay leeyihiin kuwaasoo ka tacsiyadeeyay wax kasta oo xumaan ah oo beeshooda laga tirsanayo.
Hadallo ay halkaasi si kala duwan ay uga soo jeediyeen Imaam Maxamuud Imaam Cumar, Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King Kong), Boqor Cabdullaahi Raabi iyo kuwo kale oo ku kala hadlayay magacyada beelaha Hawiye, Daarood, Digil iyo Mirifle, Dir iyo Beesha Shanaad ayaa mid walba wuxuu si gooni ah uu u caddeeyay in uu raali ka yahay sida loogu soo hoyday iyo qaabka looga raali geliyay wixii horey u dhacay oo xumaan ahaa.
Is cafintaasi ka hor ayaa shirweyanaha qaran waxaa uu kao dooday qodobkii ku aadanaa xag-jirnimada Diinta oo ah qoddobka sagaalaad oo Shirweyanaha Qaran uu ka doodayo.
Culumaa’udiin ay ka mid yihiin Sheekh Muuse Cadde, Sheekh Xasan Cabdi Yarow, Sheekh Maxamed Guuleed Muuse, Sheekh Sayid Cali iyo xubno kale ayaa si aad ah uga dheereeday qodobkan xasaasiga, waxaana ay culimadaasi shirweynaha ka sheegeen in xilligaan ay Soomaaliya ka jirto wax ku sheegeen Fitno Diimeed, waxayna ku celceliyeen in dhibaatada diinta ay tahay mid waqtigaan aad uga adag, iyaga oo xusay in dalka Soomaaliya ay xilligaan ay ka jiraan firqooyin Diimeed oo isugu jira takfiir, Tabliiq, Itixaad, Shabaab, Shiico, Quraniya, Calmaaniya, iyo kuwa kale oo aad u badan.
Culimaadasi waxay qireen in dalka Soomaaliya la soo geliyay sanadahan dambe kitaabo aad u fara badan oo dhamaantood ka hor imaanaya diinta Islaamka, waxayna soo jeediyeen in dib loogu noqdo kitaabka ALLE.
Gabagabadii kulankaii maanta ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed oo sheegay in shirguddoonku shirka ku faraxsan yahay sida ay maanta beelaha Soomaaliyeed u kala qaateen xaal marintii ku aadnayd dhibaatadii kala gaartay oo beel waliba la siiyay Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, waxuuna ku nuuxnuuxsady in Berito dib la isugu soo laaban doono ka dooddida qodobka xag-jirnimada Diimeed oo maanta bilowday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






