13.2 C
London
Monday, November 10, 2025

Dagaal sabab dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmada Jilib

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, August 05, 2007(HOL): Shan Ruux ayaa geeriyootay, labo ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta dagaal ku dhexmaray Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo maleeshiyooyin ku sugnaa Degmadaas.

 

Dagaalkaas ayaa wuxuu qarxay kadib markii ciidamo ka tegay Magaalada Kismaayo ay tageen Degmada Jilib, halkaasi oo ay horay u sii joogeen kooxo maleeshiyooyin ah oo ay is-qoomeen ciidamada ka tegay Magaalada Kismaayo.

 

Dagaalka labada dhinac dhexmaray kadib ayaa ugu dambeyntii waxay magaalada Jilib gacanta u gashay Ciidamadii ka tegay magaalada Kismaayo oo la sheegay in uu hoggaaminayay Sarkaal lagu magacaabo Col. Cabdul Xiirey.

 

Col. Cabdul Xiirey oo ka hadlay sababta keentay in ay dagaal ka ridaan Degmada Jilib, isla markaana ay gacan ku heynteeda la wareegaan ayaa wuxuu sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka ay ku amartay Guutadooda oo ah Guutada 3aad ay xarun ka sameysato Degmada Jilib, halka Guutada koowaad ee Ciidamada Dowladdana uu sheegay in loo diray Xerada Deynuunaay ee Gobolka Bay.

 

Col. Cabdul Xiirey waxaa uu sheegay in maleeshiyooyinka ay ka ceyrsadeen Degmada Jilib ay ahaayeen kuwo falal burcadnimo ah ka geysanayay deegaano hoos-taga Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaasi oo uu wax ka qaban waayay Maamulka halkaas ka jira.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xiisad ka dhalata Dagaalkaas ayaa la sheegayaa in ay weli ka taagan tahay Degmada Jilib, inkastoo Odayaal deegaanka ah ay ku howlan yihiin sidii ay u baajin lahaayeen dagaal kale oo labada dhinac dhexmara..

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).