13.2 C
London
Monday, November 10, 2025

Xaaladda Degmada Afgooye oo kacsan kadib dagaal dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, August 05, 2007(HOL): Xiisad ka dhalatay iska hor-imaad hubeysan oo shalay iyo saakay dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka taagan tahay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Xiisaddaas ayaa kacday kadib markii Ciidamo ka amar qaata maamulka Degmada Afgooye oo ku sugnaa Koontaroolka Baar Ismaaciil ee ku yaala halka laga galo Degmada Afgooye  ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo is-rasaaseyn daqiiqado socotay kadib la wareegay gacan ku heynta Koontaroolkaas.

 

Guddoomiyaha Degmada Afgooye Maxamed Cumar Muudey ayaa sheegay in Ciidamada la wareegay Koontaroolka Baar Ismaaciil ay yihiin kuwo aanu maamulkiisa waxba kala socon, isla markaana ay  ahaayeen kuwo iska socday, wuxuuna intaas ku daray in Ciidamadaas ay saakay mar kale weerareen ciidamo ka amar qaata maamulka Degmada, iyagoo kadibna falal dhac ah ka geystay gudaha Degmada Afgooye.

 

Laakin Col. Cali Ibraahim Isaaq (Cali Xabad) oo ciidamada la eedeynayo hoggaaminaya ayaa sheegay in ciidamadooda aysan geysan wax dhibaato ah, waxa ay meeshaas u tageena ay tahay in ay wax ka qabtaan cabasho dadka deegaanka ka imaaneysay, isagoo xusay in cabashadaas ay ahayd nabadgelyo darro ku soo korortay Degmada

 

“Qaraxyo dhowr ah ayaa sida laga war-qabo waxaa ay ka dhaceen Degmada Afgooye, tusaale ahaan waxaa qarax lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii Degmadaas Xasan Axmed Xasan, sidoo kalena Gaari uu leeyahay Guddoomiyaha Degmada ayaa dhawaan la qarxiyay, marka waxaan rabnaa in aan wax ka qabano falalkaas nabadgelyo darrada ah ee uu wax ka qaban waayay maamulka Degmada Afgooye”ayuu yiri Col. Cali Xabad..

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa muddo 11 sano ah waxaa ka talinayay maamul aysan dadka deegaanka soo dooran, hayeeshee waxaa maamul madaxdiisa deegaanka ka soo jeeda u dhistay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mas’uuliyiinteeda ugu sareysa ay ka dhul bilowdeen markii ay Baydhabo ka guurayeen ee ay u guurayeen Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).