Axad,
Munasabadda xil wareejinta ah oo ay ka soo wada qeyb-galeen dhamaan Mas’uuliyiinta maamulka Heer Gobol iyo Degmo, Duubabka Dhaqanka, iyo waliba dadweyne ka kala yimid xaafadaha magaalada ka kooban tahay ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Xuseen Muxamed Maalin (Xuseen Ayax) oo wareejiyay xilkii gudoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan.
Hadallo kooban oo ay halkaa ka jeediyeen labada mas’uul ayaa ahaa kuwo u badnaa amaan iyo boogaadin mid walba kan kale uu ku amaanayo wax yaabihii uu soo qabtay mutadii uu xilka hayay, gaar ahaan Gudoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa ku tilmaamay Xuseen Muxumed Maalin in uu yahay shaqsi nadiif ah isla markaana wax badan qabtay in uu xilka hayay, isaga oo intaas ku daray in maadaama uu xilka wareejiayay aysan macnaheedu aheyn in uu ka baxay xeyndaabka mas’uuliyada maamulka gobalka lakiin laga talo iyo tusaale qaadan doono.
Sidoo kale Xuseen Mux’ed Maalin oo xilka ku wareejiyay Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in maanta shacabka ku dhaqan magaalada B/weyne ay u tahay maalin taariikhi ah, waayo ayuu yiri dhowr bilood ka hor ayaa mas’uulkii xilka igu wareejiaya anigana maanta ku wareejinayaa, sidaa daradeed waxaa uu sheegay in uu la shaqeyn doono gudoomiyaha cusub ee la soo magacaabay.
Guddoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo ka hadlayay wax qabadkiisa ugu horeeya ayaa ku sheegay Nabad-galyada oo ah ayuu yiri arinta ugu daran gobalka Hiiraan marka loo eego gobalada kale ee dalka, isaga oo yiri waxaan fariin u dirayaa kooxaha burcada ah ee caadeysatay in ay sidii ay doonaan u dhaqmaan, Xitaa hadii la awoodo in la qabto waa la dilayaa ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo arintaa ku muteystay sacab iyo waliba sawax taageero oo aad u dheer.
Inkastoo shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada B/weyne siweyn ula socdaan isbadaladii is daba jooga ahaa ka dhacay gobalka intii ay Dowladu jirtay ayaa hadda u muuqda kuwo u baahan in ay arkaan mas’uul wax badan ka qabta arimaha Nabada iyo dhaqaalaha gobalka oo ah kuwa ugu daran ee ka taagan gobalka Hiiraan.
Guddoomiyaha cusub ee dhawaan Dowlada Federaalku soo magacaawday ayaa soo maray degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi isaga oo halkaa kula hadlay dadka labada degmo, waxaana qudbadii uu jeediyay degmada Buula-burte uu ku sheegay in aan waxba loo dhimi doonin shaqsiyaadkii ka tirsanaa Maxkamadaha oo aan ognahay ayuu yiri in ay joogaan gudaha gobalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






