Axad,
Wargeyska Sharqul Awsat oo soo xiganayay mas’uul ka tirsan Maxkamadaha Islaamka balse diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa wuxuu sheegay in uu jiro dadaal ay wadaan dalal Afrikaan iyo Carab ah, kaasi oo lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Itoobiya.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in Wargeyskaas uu dhowr jeer warar aan ka jirin ka qoray Maxkamadihii Islaamka, “Waxaan aad uga xumahay in Wargeys caan ah uu qoro warar aan jirin, isagoo soo xiganaya ilo aanu hubin sugnaashahooda”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Shiikh Shariif in ay ka digtoonaadaan in ay warar ka qaataan Wargeysyada la midka ah Sharqul Awsat oo sida uu yiri doonaya in ay dadka Soomaaliyeed tash-wiish geliyaan, “Waxaa dhacday in intey na soo waceen oo aan isa salaannay kaliya ay war naga qoreen, taasina sax ma ahan”ayuu yiri Shiikh Shariif.
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka waxaa uu sheegay in aysan jirin sabab ay wada hadallo ku dhexmari karaan Dowladda Itoobiya, “Haddii ay dhaceyso in aan Itoobiya wada hadalno, wuxuu wada hadal na dhexmari karaa marka ay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Shariif oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay sii wadaan halganka Muqaawamada ah ee ay ku xoreynayaan Dalkooda.
Dhanka kalena, Shiikh Shariif waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu shaaciyay Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed, kaasi oo ahaa in ay xiriir la sameeyeen Maxkamadihii Islaamka isla markaana ay ka ogolaadeen in ay ku kulmaan Dalka Jabuuti.
Shiikh Shariif waxaa uu ka hadlay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in uusan jirin shir Muqdisho ka socda basle uu jiro shirqool loo maleegayo Dadka Soomaaliyeed, kaasi oo loogu sii cimri dheereynayo cadawga heysta dalka Soomaaliya.
“Ma aaminsanin in ay wax Dowlad la yiraahdo ka taliso Soomaaliya, Nin Jen. Gabre la yiraahdo oo Ciidamada Itoobiya hoggaamiya ayaa meeshaas ka taliya ee C/llaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi kama taliyaan”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka jawaabayay weydiin ahayd in shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay soo abaabushay Dowladda Federaalka oo dalka Soomaaliya ka talisa.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxda Maxkamadihii Islaamka oo dabayaaqadii sanadkii hore ay xukunkii kala wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa dhowr jeer oo hore waxay sheegeen in aysan diyaar u ahayn in ay wada hadal la galaan Dowladda Federaalka amaba ay ka qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in uu wada hadal suurtagal noqon karo marka ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






