13.2 C
London
Monday, November 10, 2025

Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo maanta looga doodayo Xag-jirnimada Diimeed

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad,
August 05, 2007(HOL): Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo galay todobaadkii seddexaad ayay maanta ergooyinka ka qeybgelaya ka doodayaan qodobka ku saabsan xag-jirnimada Diimeed.

 

Qodobkan oo ah mid xasaasi ah ayuu Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed u sheegay ergooyinka in aysan isu qorin ka doodista Qodobkan cid aan Diinta Islaamka aqoon durugsan u lahayn.

 

Ergooyinka ayaa horay waxay uga soo doodeen Ajendayaal ay ka mid yihiin Xalinta Khilaafaadka Beelaha, Hanti Isu Celinta, Dowlad-wanaaga, Dimoqraadiyadda, Habka Doorashooyin Xor ah, Tiro-koobka dadka, Axzaabta Siyaasadeed iyo Qeybsiga Awoodda iyo Kheyraadka Dalka.

 

Dhanka kalena, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen ayaa sheegay in ay shirka ka soo qeybgelayaan Ergooyin ka socda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, isagoo ergooyinkana ka codsaday in ay soo dhaweeyaan ergooyinkaas marka ay madasha shirka  soo gaaraan.

 

Guddoomiye ku xigeenka ayaa hadalkaas jeediyay xili ay ergooyinka shirka soo dhaweynayeen Isimo ka socday Gobollada Puntland, kuwaasi oo uu horkacayay Boqor C/llaahi Boqor Muuse (King Kong).

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta uu galay todobaadkii seddexaad ayaa waxaa ka biyo diiday Qaar ka mid ah Odyaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye, Maxkamadihii Islaamka iyo Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee horay uga tirsanaan jiray Baarlamanka Soomaaliya, kuwaasi oo diidmadooda sabab uga dhigay in aan shirka siyaasad looga hadleynin iyo in ay weli ku jiraan Soomaaliya Ciidamada Itoobiya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).