Sabti,
Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu sheegay in 15-kii September 2006 ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Baarlamaanka hor-dhigtay qorshe howleed 6 biloodle ah, kaasi oo uu carrabka ku dhuftay in uu Golaha Baarlamaankana si kalsooni leh u ansixiyay.
Halkan ka dhegeyso Warbixinta uu
RW Geeddi ka hor jeediyay Baarlamaanka
Wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaaraha in qorshe howleedka Xukuumadiisa ay ka mid ahaayeen (1) In Madaxweynaha, Xukuumadda, Guddiyada Qaranka iyo Hay’adaha kale ee lagama maarmaanka ah loo raro Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho, Baarlamaanka uu ku sii shaqeeyo Baydhabo, (2)Adkeynta Nabadgelyada Dalka guud ahaan, gaar ahaana Caasimadda oo loo diyaarinayo Dowladda in ay u guurto oo ay ku shaqeyso, (3) Diyaarinta miisaaniyd lix biloodle ah oo KMG ah si loogu shaqeeyo, (4) Taabagelinta canshuuro laga qaadayo Gobollada maamullada loo dhisay (5) Habeynta barnaamijka dib u dhiska Dalka iyo u bandhigiddiisa Deeq-bixiyayaasha iyo Hay’adaha Caalamka, si looga helo taageero (6) Dib u uruurinta iyo soo nooleyn keydka Dukumiintiyada Qaranka, si loo helo raad-raac joogto ah oo Qoraallada ka soo baxa ama gala Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Qaranka (7) Diyaarinta Barnaamijka Howlgalka Xukuumadda ee mudada lixda bilood ah ee loo ogolaaday.
“Guddoomiye todobaas qodob ayaa loo dhiibay Xukuumadda, hayeeshee markii la doonayay in fuliyo waxaa soo food-saaray Dowladda dagaalladii cuslaa ee ay Maxkamadihii Islaamka ahaa ku soo qaadeen gobollada dalka, gaar ahaana Xaruntii ay ku shaqeyneysay Dowladda ee magaalada Baydhabo, Illaahey mahaddiis dowladdu waxay ku guuleysatay in ay jebiso, kana adkaato xoogagga Maxkamadihii Islaamka iyo huwantii Ajnabiga ahaa ee ay isu soo kaashadeen dagaalkaas”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi oo sheegay in si kastoo qorshe howleedyadii xukuumadda ay dagaalladaas ragaadiyeen in aysan hadana seexan oo ay wax qabteen.
Prof. Cali Maxamed Geeddi waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay haatan ka wada taliso Dalka oo dhan, marka laga reebo meelo yar oo ay weli ku dhuumaaleysanayaan Maxkamadihii Islaamka oo sida uu yiri meelaha ay joogaan dadka ku sugan dhibaato ku haya, sidoo kale waxaa uu xusay in Xukuumadda ay dib u dejisay Wasaaradaha, Hay’adaha iyo Kaabayaasha Dowladda, kuwaasi oo loo dhameystiray Tas-hiilaadka ay u baahan yihiin.
Wuxuu kaloo sheegay Ra’iisal Wasaaraha in ay Dowladda maamullo u dhistay Gobollada Banaadir, Shabeelahada Dhexe, Shabeelaha Hoose, Hiiraan, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Bakool, isagoo intaas ku sii daray in ay Xukuumaddu diyaarisay miisaaniyad KMG ah oo dhawaan la hor-geyn doono Golaha Baalamaanka.
Kulankii maanta ay isugu yimaadeen Mudanayaasha Baarlamaanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe waxaa ka soo xaadiray 210 Mudane, kuwaasi oo ku kala aragti duwan mooshinka ku saabsan la xisaabtanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Haddaba intii uu socday Kulankaas ayaa waxaa loo saaray mooshinka ku saabsan la-xisaabtanka Xukuumadda guddi 9 Xubnood ka kooban oo sharci-yaqaano ah, kaasi oo soo kala saari doona doodda u dhaxeysa Xildhibaannada Baarlamaanka ee ku saabsan in uusan sharci ahayn mooshinka Baarlamaanka la hor-geeyay iyo in uu sharciga waafaqsan yahay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xildhibaanada keenay mooshinka la-xisaabtanka Xukuumadda ayaa waxay si weyn uga xumaadeen hadal uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe jeediyay, kaasi oo ahaa in waxyaabaha loo cuskanayo mooshinka Xukuumadda lagula xisaabtamayo uusan sharci ahayn, sida heshiis ay wada gaareen Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, xili mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowaldda Federaal uu khilaaf xooggan u dhaxeeyay, hayeeshee waxay Xildhibaanadaas ku doodeen in aysan ka tanaasuli doonin mooshinka ay keeneen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






