13.3 C
London
Monday, November 10, 2025

Xuseen Caydiid oo laga saaray Baarlamaanka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, August 04, 2007(HOL):  Xuseen Maxamed Caydiid oo horay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay uga qaaday Xilkii Ra’iisal Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa maanta waxaa mar kale laga qaaday Xilkii u haray ee Xildhibaannimo.

 

Guddiga Dishibiliinta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xuseen Caydiid ku eedeeyay in uu fadhiyada Baarlamaanka uga maqnaa sabab la’aan, iyadoo sidoo kalena lagu eedeeyay in uu ku xad-gudbay Axdiga iyo Xeer Hoosaadka u degsan Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo shir guddoominayay kulan ay maanta Xildhibaannada Baarlamaanka ku yeesheen Magaalada Baydhabo ayaa ku dhawaaqay in Xuseen Caydiid laga saaray Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in uu si sharci darro ah uga maqnaa fadhiyada Baarlamaanka muddo ka badan labo bilood.

 

“Xildhibaankaas isaga ayaa gudan waayay xilkii uu u dhaartay marka waxaan ka codsaneynaa Beesha uu ka soo jeedo in ay soo gudbiso qofkii u geli lahaa Baarlamaanka Soomaaliya”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Xildhibaano tiradooda kor u dhaafeyso 30 Mudane ayaa horay looga saaray Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo haatan qaarkood ay ku sugan yihiin Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, inkastoo Xubnahan ay la baxeen Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ayaa dhawaan mar uu ka hadlayay Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka wuxuu sheegay in Xildhibaankii fasax iyo sabab la’aan maqnaada muddo 60 cisho ah laga saarayo Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xuseen Maxamed Caydiid oo dhawaan u waramayay Wargeyska Al-Quds Al-Arabi ayaa wuxuu madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  ku eedeeyay in ay waajibkooda gudan waayeen, isla markaana ay dalka Soomaaliya keeneen Ciidamo Itoobiyaan ah oo xasuuq ku haya dadka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ahna Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu eedeeyay in uu ballaarsaday Awoodda uu sharciga u ogolyahay, isla markaana uu sameynayo waxyaabo uusan sharciga u ogoleyn.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).