13.3 C
London
Monday, November 10, 2025

7 ruux oo xalay lagu dilay Deegaanka Maxaas ee Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, August 04, 2007(HOL): Wararka ka soo baxaya Deegaanka Maxaas oo ka Tirsan gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in habeenimadii xalay kooxo hubeysan ku dileen 7 Ruux oo rayid ah kuwaasoo la sheegay in xiligaas qaarkood ay ku  sugnaayeen hoygooda.

 

Warkan oo uu HOL u xaqiijiyay gudoomiyaha degaanka Maxaas  Aadan C/dule Cawaale  ayaa sidoo kale sheegaya in dhab ahaan aan la ogeyn dhinaca ay ka soo galeen kooxaha wax weeraray maadaama deegaanka Maxaas uu daris la yahay deegano kale oo ka tirsan gobollada Gal-gaduud iyo Shabeelada Dhexe.

 

 

Gudoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ka hadlay warka ku saabsan dilka ka dhacay deegaanka Maxaas ayaa sheegay in marka uu gaaro Magalada B/weyne uu arintaas kala hadli doono dhinacyada ay khuseyso, waxaana uu intaa ku daray in kulan ay ku yeesheen Magaalada Jowhar gudoomiyaha gobalka Shabeelada dhexe ay uga wadda hadleen sidii loo soo afjari lahaa colaadda ka oogan deegaanada labada Gobol, sidaas oo kalena uu xiriir la sameyn doono mas’uulyiinta demada Ceel-buur ee Gobalka Gal-gaduud.

 

Falkan dilka ah ee ka dhacay deegaanka Maxaas habeennimadii xalay ayaa muujinaya in wali dhinacyadu ku qancin heshiis la dhex-dhigay beelihii horay halkaas ugu dagaalamay, waxaana xusid mudan in horaantii sanadkan dagaal  culus oo ka dhacay deegaanka Maxaas iyo Tuulooyinka ku xeeran ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux, kuwaasi oo u badnaa dhinacyadii dagaalku dhex maray.  Lama oga ilaa hadda waxa uu ka badali doono gudoomiyaha cusub xaaladaha colaadeed ee ka taagan qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan  marka uu la wareego Xafiiska Maaamulka gobalka Hiiraan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).