13.3 C
London
Monday, November 10, 2025

XUSEEN CUMAR GACAMEY : “Dowladu xaq ayay u leedahay in ay sameyso is-badal marka ay u aragto maamulka jira in uu ka gaabiyay howlihii loo xilsaaray”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, August 04, 2007(HOL): Guddoomiye ku-xigeenka arimaha siyaasada iyo nabad-galyada gobalka Hiiraan Xuseen Cumar Xasan Gacamey oo u waramayay HOL ayaa ka markii ugu horeysay ka hadlay aragtidiisa la xiriirta isbadalka ku dhacay maamulka gobalka oo dhawaan loo soo magacaabay gudoomiyihii hore.

 

Xuseen Gacamey waxaa uu sheegay in dhiniciisa uu soo dhaweynayo isbadalka lagu sameeyay maamulka gobalka Hiiraan maadama mar walba waxa la raadinayo ay tahay in la helo maamul wax qabta, waxaana uu intaas ku daray in xitaa hadii isaga laga badalo xilka uu hadda ka hayo maamulka gobalka uu soo dhaweynayo waayo cid gaar u leh ma jirto ayuu yiri hogaaminta iyo mas’uuliyida gobalka.

 

”Dowlada Federaalku xaq ayeey u leedahay in ay isbadal ku sameyso maamulka marka ay u arkaan mas’uuliyiinta jira kuwo gudan waayay howlihii loo xil-saaray ayuu yiri Xuseen Cumar Gacamay oo intaa sii daba dhigay in ay hubaal tahay maamulkii uu hogaaminayay Xuseen Mux’ed Maalin in uu ku guul dareystay wax ka qabshada arimaha nabad-galyada iyo dhaqaalaha gobalka Hiiraan walow hadana la oran karo waxaa jira dhinacyo kale oo lagu amaani karo.

 

Sidoo kale mar uu ka jawaabayay waxa uu u maleynayo sababta keentay in la badalo gudoomiyaha oo kaliya maadaama la wadda lahaa mas’uuliyada qaladaadka ka dhacay maamulka, waxaa uu sheegay in mas’uuliyadu saaran tahay gudoomiyaha waayo ayuu yiri isaga ayaa ka soo bixi waayay shaqadii looga fadhiyay,.

 

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka gobalka Hiiraan Xuseen Cumar Xasan Gacamay oo u muuqday markii uu wareysiga bixinayay mid ku faraxsan isbadalka dhacay, ayaa dhanka kale sheegay in Yuusuf Dabageed uusan helin waqtiga uu helay maamulka hadda jira, isaga oo intaa sii raaciyay in gudoomiyaha cusub yahay shaqsi wax badan ka badali kara sida hadda wax u socdaan.

 

Dhawaan ayay aheyd markii uu qalabka warbaahinta ka sheegay Xuseen Gacmey in Dowlada Federaalka uu ka codsanayo in ay isbadal ku sameyso maamulka jira, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay Xuseen Mux’ed Maalin oo ah gudoomiyaha xilka laga qaaday isaga oo ku tilmaamay in uu gudan waayay howlihii xafiiska.

 

Marka laga soo tago gudoomiyaha xilka laga qaaday iyo kan degmada B/weyne inta badan waxaa la oran karaa mas’uuliyiinta hadda wali sii jirta waa kuwo siweyn ugu dhaw    gudoomiyaha cusub Yuusuf Dabageed oo xiligii ay dowladu fadhiday Magalada Jowhar isku mar la soo wadda magacabay.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).