13.3 C
London
Monday, November 10, 2025

Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Uganda oo lagu helay Dembi ah in uu ku lug yeeshay Dil loo geystay Wiil Soomaali ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, August 04, 2007(HOL):   Wiil uu dhalay Madaxweynihii keli-taliyaha ahaa ee Dalka Uganda Idi Amin ayaa wuxuu ka mid noqday koox burcad ah oo xabsiga loo dhigay sabab la xiriirta in ay ay dileen Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada London ee Dalka Britain.

 

Faisal Wangita oo  25 jir ah wuxuu ka mid yahay 13 nin oo lagu helay dembiga ah in ay Bishii Janaayo 2006 dileen Mahir Cusmaan kadib markii uu muran dhexmaray, iyagoo 20 jeer mindiyeeyay.

 

Xukunka lagu riday Faisal Wangita iyo ragga kale ee lala xiray ayaa xukunkooda loo cuskaday filim muuqaal ah oo Maxkamaddii xukuntay la hor-geeyay, kaasi oo ay ka muuqdeen ragga dilay Maahir Cusmaan oo 18 jir ahaa.

 

Intii ay kooxdaas Burcadda ah dilayeen Maahir Cusmaan ayaa waxaa la maqlayay iyadoo ragga dilka geystay qaarkood ay ku qeylinayeen “Mindida Wadnaha ka geli ha dhintee” iyo erayo kale oo naxariis darro ay ka muuqatay.

 

Kooxda Burcadda ah ayaa markii ay dileen Maahir waxay isku dayeen in ay ku baxsadaan Gaari Bus ah, hayeeshee waxaa gacanta ku soo dhigay Ciidamada Booliska, “Wuxuu ahaa weerar qorsheysan oo ay cadaawad ka muuqatay, kaasi oo aan si dhif ah u arkay”ayuu yiri Dembi-baare lagu magacaabo Michael Broster oo baaritaanka kiiskan ku lug lahaa.

 

Magaalada London ayaa in muddo ah waxaa ka dhacayay dembiyada dilalka ah ee ay geystaan kooxaha Burcadda ah, kuwaasi oo weliba ay ku jiraan kooxo dhalinyaro ah oo dilalka ay ka geystaan magaalada London caadi ka noqday.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Idi Amin Dada oo xukun keli-talisnimo ah ku soo xukumayay dalka Uganda intii u dhaxeysay sanadihii 1971 ilaa 1979 ayaa wuxuu lahaa afar Xaas, iyadoo la rumeysan yahay in Caruurtiisa ay gaarayaam afartameeyo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).