13.3 C
London
Monday, November 10, 2025

Ma Dhab baa in Maxkamadihii Islaamka iyo Dowladda Itoobiya wada hadallo laga dhex wado?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, August 04, 2007(HOL):  Mas’uul sare oo ka tirsan Maxkamadihii Islaamka, diidayna inuu magaciisa shaaca ka qaado, xiriirna la sameeyay Wargeyska Asharqul-Awsat ayaa sheegay  in ay socdaan wada hadallo sir ah oo u dhexeeya Madaxda Maxkamadihii Islaamka iyo Dowladda Itoobiya,, wuxuuna Mas’uulkaan sheegay in ay wada hadalladaas wadaan 5-dal oo ka tirsan Caalamka, kuwaasi oo uu diiday inuu magacyadooda sheego.

 

Mas’uulkaan magaciisa qariyay ayaa wuxuu sheegay in labada dhinac ay yeelan doonaan kulan ay kaga hadlayaan xaaladda hadda ka taagan dalka Soomaaliya, isagoo xusay in ay  wadahadalladaan yihiin isku daygii ugu horreeyay oo la doonayo in lagu wada hadalsiiyo  Maxkamadaha iyo Dowladda Itoobiya.

 

Hadalkaan ayaa ku soo beegmay xilli Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed uu dhawaan sheegay  in ay soo gabagebeeyeen qaybtii hroe ee shirka , ayna billaabi doonaan Qeybta Labaad ee Shirka Beelaha Soomaaliyeed oo Muqdisho ka billowday 15-kii July ee aynu ka soo gudubnay.

 

Guddoomiye ku xigeenka shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen ayaa dhankiisa sheegay in shirka qeybtiisii hore lagu soo dhameeyay khilaafaadyada u dhexeeya beelaha Soomaaliyeed, isla markaana lagu wado in la gudo qaybo kale oo uu sheegay inay ka mid yihiin Siyaasadda.

 

Heshiis ay gaaraan Maxkamadihii Islaamka iyo Dowladda Ethiopia ayaa noqonaya mid aad u adag, maadaama Maxkamadaha iyo Ethiopian-ku ay galeen dagaal aad u qaraar oo salfaday nolosha dad badan, waxaana dhowr jeer oo hore ay sheegeen Mas’uuliyiinta Maxkamadaha inaysan Nabad ka dhacayn Somalia inta ay Ethiopian-ku gudaha ugu jiraan.

 

Ma jirto, cid kale oo ka tirsan Maxkamadihii Islaamka oo ka hadashay hadalkaan lagu daabacay Wargeyska ka soo baxa London ee Asharqul-awsat, sidoo kalena ma jirto war ku saabsan qoraalkaan oo ka soo baxay dhanka Dowaldda Itoobiya oo ay ciidammo ka joogaan Gudaha Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).