15 C
London
Friday, November 7, 2025

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo Riwaayad ku tilmaamay Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu soo gebagebeeyay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, August 31, 2007(HOL): Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahannada waa weyn ee Soomaaliyeed ayaa wuxuu ka hadlay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee shalay lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in uu shirkaas ahaa mid aan natiijo ka soo bixin oo riwaayad la mid ahaa.

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar waxaa uu sheegay in shirka lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho uu ahaa mid aan la isugu keenin dadka isku haya Soomaaliya, gaar ahaanna ay u dhaxeeyaan khilaafaadyada Siyaasadeed, “shir waa la qaban karaa, xeyn-daab la sameyn karaa, amni waa la sameyn karaa, dadka lacag waa la siin karaa, laakin taasi xal kuma imaanayo”ayuu yiri Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar.

Halkan ka dhegeyso Hadalka
Prof. Cabdi Isamaaciil Samatar
Horn Afrik

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar waxaa uu ka jawaabay hadal uu shalay Muqdisho ka sheegay Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Dowladda Itoobiya Maxamuud Dirir, kaasi oo ahaa in aysan Ciidamada Itoobiya xoog ku joogin dalka Soomaaliya, “Horta Maxamuud Dirir jawaabta aan u dhiibayo waxaa weeye Wasiir ayuu sheeganayaa in uu u yahay Dowladda Itoobiya oo ka wakiil ah gobolka Soomaalida, Dowladda Itoobiya  dadka Soomaaliyeed ee ay heysto ee ku dhaqan gobolkaas Soomaali Galbeed ayuu Maxamud wax uga qaban la’ yahay oo dadkaasi baa lagu go’doomiyay, iminka lixdii bilood ee ugu dambeysay dadkaas wixii ku dhacay waa la ogyahay”ayuu yiri Prof. Samatar oo sheegay in Ciidamo ku soo weeraray oo kugu qasbaya dowlad aadan dooran oo ku oranaya Diintaada waa in aad la colowdaa aysan noqon karin Ciidan Soomaali xal u keenaya.

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar waxaa uu ka hadlay shir ay dhawaan magaalada Asmara ku agaasimayaan maxkamadihii Islaamka iyo Xubnaha la baxay Baarlamaanka xorta ah, wuxuuna sheegay in uusan shirkaasi la mid ahayn midka Muqdisho lagu soo gebagebeeyay, isagoo caddeeyay in ay Shirka Asmara ka qeybgelayaan dad aan 4.5 ahayn, aan lacag la siineynin, isla markaana aysan ciidamo ilaashaneynin.

 

Shirkaas ayuu sheegay in uusan ka hordhaceynin natiijooyinka ka soo baxaya, balse waxaa uu xaqiijiyay in ay ka qeybgelayaan Dad Taariikh ka tegay oo leh sida uu yiri Waddankeeda oo la heysto ayaan dooneynaa in aan xoreyno.

 

Ugu dambeyntiina Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan soo dooran Dadka Soomaaliyeed balse ay u soo abuurtay Itoobiya iyo Kenya oo u adeegeysay, “Af-gobaadsiga hala dhaafo runta ha lagu hadlo, Ciidan baa soo duulay, Magaaladii bey xukumaan, Nin Gabre la yiraahdo baa dalkii Xukumo, C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi midna ma xukumo, xaqiiqda waa ceynkaa”ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).