Jimco, August 31, 2007(HOL): Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Jen Cadde) ayaa soo saaray wareegto ku wajahan Golaha Deegaanka ee Degmada Boosaaso ee la filaayo in dhowaan la soo dhiso kadib markii la kala diray kuwii hore.
Wareegtada Madaxwaynaha oo si toos ah loogu socodsiiyay wasaarada Dowladaha hoose iyo Horumarinta Gobollada ayaa lagu caddeeyay qodobo dhowr ah oo shuruud looga dhigay Qofka ka mid noqonaya Golaha Deegaanka Boosaaso.
Qodobada uu Madaxwaynuhu Shuruuda uga dhigay ayaa ahaa sidan:
1-In uu leeyahay ugu yaraan aqoon waxbarasho oo dugsi sare gaarsiisan ama waayo-aragnimo u dhiganta
2- In aanay maxkamadi horay xukun ugu ridin oo uusan wax danbi ah dalka ka gelin
3- In aanu ka mid ahayn shaqaalaha Dowlad Goboleedka Puntland
4- In aanu ka mid ahayn xubnihii hore ee Golaha Deegaanka ee la kala diray
5- In Shakhsiyaadka ay noqdaan Dad Dhaqaale ahaan isku filan nolol maalmeedkooduna aanu ku xirmin D/Hoose (waxaa muhiimada la siinayaa Ganacsatada,Aqoonyahanada, Garyaaqanada)
6-in aanu ka mid ahayn Urur Siyaasadeed Ama Diineed
7- Doorashadu waa in ay ku qabsoontaa xilligii loogu tala galay
Isku soo wada duuboo Deegaanada Puntalnd waxaaa ka jira ku dhowaad 20 Degmo oo leh Nidaamka is-maamulka dadwaynaha Golayaasha Deegaanka walow markii dambe uu muran iyo is qabqabsi ka dhexdhashay qaarkood taasi oo Madaxwaynaha awood u siinaysa in uu kala diro Golihii Shaqadooda loo bogi waayo.
Maxamed Axmed (Ilka-case)






