15 C
London
Friday, November 7, 2025

Dhallooyin Qamri ah iyo Ninkii ka ganacsanayay oo laga soo qabtay Magaalada Garoowe

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, August 31, 2007(HOL): Ciidamada Birmadka  Deg-Deg ah ee Magaalada Garowe  ee Caasimada DGPL  ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Xaddi Qamri ah oo ay ka soo qeybteen Guri ku yaala Magaalad Garoowe.

 

225 Dhallo oo Qamri ah oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamadu ayaa 15 ka mid ahi waxaa ka buuxay Qamri, halka kuwa kalena ay faaruq ahaayeen oo laga Cabay sida ay sheegeen Ciidamada Birmadka.

 

Howlgalka lagu soo qabtay Qamrigan ayaa ka dambeeyay warar dhanka Sirdoonka ah oo laga helay Dad Jaar la ah Guriga lagu soo qabtay oo cabasho ka muujiyay dhibaato uu ninkaasi ku hayay xiliyada ay cabsan yihiin isaga iyo Saaxiibadiis.

 

Taliyaha Ciidanka Birmadka Mursal C/llaahi  Faarax ayaa waxaa uu sheegay in hawlgallo Ballaaran oo ay sameeyeen Ciidamadu maalintii shalay ahayd  ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan Xaddigaasi Qamriga ah  iyo Mulkiilihii iska lahaa khamrigii.

 

Mr. Mursal wuxuu intaasi ku daray in uu ku rajo wayn yahay in la gubo Qamrigan,  isla markaana ciqaab kulul lagu xukumo ninka ka ganacsanayay khamrigan kadib marka  Cadaaladda la hor-geeyo.

 

Maxamed Axmed (Ilka-case)

ilkacase2010@hotmail.com

Bosaso, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).