Khamiis,
Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO Mr. Koïchiro Matsuura ayaa sheegay in uu cambaareynayo dilka Wariye Kaskey iyo dilal kale oo Soomaaliya loogu geystay Wariyayaal kale oo ay ugu dambeeyeen Mahad Axmed Cilmi iyo Milkilihii Shirkadda Warbaahinta Horn Afrik Cali Iimaan Sharma-arke, isagoo sheegay in dilka wariyayaashaas ay ka dambeeyeen dad ka soo horjeeda in si furan oo Dimoqraadi ah ay Dadku u doodaan.
Agaasimaha Hay’adda UNESCO waxaa uu ku baaqay in tallaabo deg deg ah laga qaado kooxihii ka dambeeyay dilka wariyayaashaas, isagoo ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in la joojiyo dilka xirfadlayaasha Saxaafadeed ee ka howlgelaya Dalka Soomaaliya.
Wariye C/qaadir Mahad Macallin Kaskey oo Gobolka Gedo uga soo warami jiray Idaacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu geeriyoodeen kadib markii ay kooxo hubeysan rasaas ku fureen xili uu ka tegay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, 11-kii bishan ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay wariye Mahad Axmed Cilmi oo ahaa Agaasimihii Idaacadda Capital Voice iyo Milkilihii Shirkadda Warbaahinta Horn Afrik Cali Iimaan Sharma-arke, kuwaasi oo dilkooda ay saacado u dhaxeysay. Dilka labadaas mas’uul waxaa uu noqday mid ay ka naxeen Qoysaskii, Ehelladii iyo Asxaabtii ay ka geeriyoodeen, iyadoo sidoo kalena ay kooxihii dilkooda ka dambeeyay ay cambaareeyeen Dowladdo iyo Ururro Caalami ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






