Khamiis,
Labada ruux ee dhaawacantay ayaa la sheegay in ay ahaayeen qof ku jiray meel Internet Café ah iyo qof kale oo Dukaan ku iibinayay nawaaxiga Isgoyska Carwa Idko ee uu qaraxa ka dhacay.
Qaraxaas kadib ayay Ciidamadii Qaraxa lala beesaday waxay xir-xireen dad badan oo ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halka ay Ciidamada la aadeen.
Qarax kale oo isna lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, waxayna Ciidamadu qaraxaas kadib fureen rasaas tiro badan, taasi oo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay.
Labadan Qarax ee maanta lala beegsaday Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo maanta ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay xireen Waddooyinka Magaalada Muqdisho, isla markaana ay howlgallo Amni sugid ah wadeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






