Jimco, August 03, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Jen Cadde) oo maalintii shalay ahayd tegay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ay ugu dambeysay muddo 30 sano ka hor ah ayaa sheegay in fikirkii uu Muqdisho ka heystay iyo muuqaalka uu la kulmay markii uu ka degay ay labo kala ahaayeen.
Madaxweyne Cadde Muuse waxaa uu sheegay in uu magaalada Muqdisho u heystay mid aaney xasilooni ka jirin, balse markii uu tegay uusan la kulmin wax nabadgelyo darro ah, wuxuuna caddeeyay in uu aad ugu farxay markii uu maray meelo badan oo uu lug ku mari jiray xiligii dowladdii hore.
Jen. Cadde Muuse waxaa uu sheegay in Muqdisho ay tahay meel uu ku koray, wax ku bartay, isla markaana uu ka soo shaqeeyay, wuxuuse carrabka ku dhuftay in ay Muqdisho ugu dambeysay muddo 30 sanadood ah, “Dowladdii hore ayaa ii bedeshay Dalka China, kadibna Canada ayaa tegay, ilaa aan aakhirkii ku soo laabtay Deegaanada Puntland”ayuu yiir Jen. Cadde Muuse.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi waxaa uu sheegay in inta uu Muqdisho joogo uu booqan doono meelo badan oo taariikhi ah, sidoo kalena uu booqan doono Madasha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, halkaasi oo uu ergooyinka khudbad ugu jeedin doono, “ Ha sugin in aan meeshan (Villa
Mar uu ka hadlayay arrimaha xal u helidda mushkiladda Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ugu baaqay dadka Muqdisho ku dhaqan in ay ka shaqeeyaan sidii ay nabad u noqon lahayd, “Muqdisho haddii ay nabad noqoto oo mushkiladdeeda xal loo helo Soomaaliya oo dhan nabad ayay noqoneysaa”ayuuna yiri Madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi.
Waxaa uu ka hadlay madaxweynaha Puntland ujeedada socdaalka Wafdigiisa ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay wada hadallo la yeelanayaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ay ka wada hadlayaan sidii ay isu kaashan lahaayeen Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedka Puntland, gaar ahaana dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Ammaanka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa wuxuu sheegay in uu si weyn u jecel yahay Magaalada Muqdisho, isla markaana ay farxad u tahay in uu dib ugu soo laabto kadib muddo 30 sanadood ah oo uu ka maqnaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






