Jimco,
Aweys Xaaji Geelle oo la dhashay marxuumka ayaa xaqiijiyay in uu walaalkiis u geeriyooday dhaawacii gubashada ahaa ee soo gaaray, wuxuuna Allaah uga baryay in uu naxariistiisa ka waraabiyo, isagoo dadkii gubayna Allaah ka baryay in uu abaalkooda mariyo.
Aweys Xaaji Geelle waxaa uu sheegay in walaalkiis ay la dhaawacmeen 7 dhalinyaro ah, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dhalinyaradaas qaarkood ay ku jiraan xalaad miyir la’aan ah.
Seddex habeen ka hor ayay ahayd markii dhalinyaradan ay koox hubeysan ku gubtay Studio lagu kireeyo, laguna iibiyo Cajaladaha maqalka iyo Muuqaalka ah oo ku yaala Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.
Dadka degan nawaaxiga halka uu Studiyaha ku yaalo ayaa sheegay in intii aan la gubin Studiyaha ay kooxda hubeysan u tageen dhalinyarada, kadibna ay ku yiraahdeen “ma dhaafeysaan waxyaabaha aad ku guda-jirtaan”, iyadoo dhalinyaradii oo cabsatayna ay yiraahdeen “waan dhaafeynaa”. Laakin intii uu wada hadalkaas socday ayaa waxaa dhacday in uu goobtii tegay Nin ordayayay oo watay Caag Basiin uu ku jiray, kaasi oo la sheegay in uu ka tirsanaa Kooxda Studiyaha gubtay, dabadeedna basiinkii ayuu ku shubay Studiyaha, wuuna gubay, waa sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeene.
Lama garanayo ilaa iyo haatan sababta ay kooxdaas hubeysan u bartilmaameedsatay Studiyaha, marka laga reebo in ay ka xumaayeen ganacsiga ay dhalinyaradaas ku hayeen goobtaas.
Falkaas waxaa si weyn uga xumaaday dadka ku dhaqan Muqdisho, gaar ahaan kuwa degan halka uu falka ka dhacay, waxayna sheegeen in falkaas uu ahaa mid ka dhan ah Bani’aadannimada.
Ugu dambeyntiiba, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya waxaa ka dhacayay dhacyooyin curato cusub ah oo ka dhan ah Bani’aadannimada, kuwaasi oo loo geystay Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






