12 C
London
Monday, November 10, 2025

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo difaacay Lacag Shillin Soomaali ah oo uu maamulkiisa daabacday

- Advertisement -spot_imgspot_img


Jimco,
August 03, 2007(HOL): Wasiirka Warfaafinta Puntland C/raxmaan Maxamed Bangax oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa difaacay lacag Shillin Soomaali ah oo uu maamulkiisa dhawaan daabacday, taasi oo sicir barar ka dhalisay deegaanada Puntland, isla markaana keentay in ay dadweyne arrintaas ka gadooday ay banaanbaxyo cabasho ah sameeyaan.

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland waxaa uu sheegay in daabacashada lacagtaas ay ogolaasho uga heysteen Dowaldda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ku ogtahay, sidaas darteedna ay lacagtaas tahay mid sharci ah.

 

25 Bilyan oo Shillin Soomaali ah ayuu sheegay in ay daabacdeen, wuxuuna sheegay in ay lacagtaas ugu talagaleen in ay ku socodsiiyaan barnaamijyada Maamul Goboleedka Puntland, “Sababta keentay in aan lacagtaas daabacno waxay ahayd dakhligii ayaa yaraaday, waxa kaliya ee soo gelayay dalkana wuxuu ahaa dhaqaale ay soo dirayeen Soomaalida dibadaha ku dhaqan”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland C/raxmaan Maxamed Bangax.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in haddii aanu jirin Bangi Dhexe oo shaqeynaya, isla markaana ay sii baaba’eyso lacagtii hore ee Shillin Soomaaliga ahayd ay taasi u fasaxeyso in ay sameystaan lacag cusub oo lacagtaas duugowday lagu bedelo.

 

Wuxuu qiray Wasiirka in dadweyne ka cabanayay lacagtaas ay banaanbaxyo ka dhigeen deegaano ka tirsan Puntland, hayeeshee waxaa uu carrabka ku dhuftay in ay iyagu dadka u ogolaadeen in ay banaanbaxaan oo ay sheegaan waxyaabaha ay ka cabanayaan.

 

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay soo baxeen wararka sheegaya in makiinado lagu daabaco lacagta Shillin Soomaaliga ah la geeyay Deegaanada Puntland ayaa waxaa cirka isku shareeray Safirka Doollarka oo lagu jaan-gooyo Qiimaha Badeecooyinka ay Ganacsatadu iibiyaan, iyadoo ay xusid  mudan tahay in haatan uu Sarifka Boqolkii Doollar gaaray 1,900,000 Sh. So.

 

Dhanka kalena, Wasiirka waxaa uu difaacay Heshiisyo uu Dowlad Goboleedka Puntland la galay Dowladda Yemen oo ku saabsanaa Kalluumeysiga iyo ilaalinta Xeebaha Puntland, kaasi oo ay Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Federaalka si weyn uga soo horjeesatay, “Suurtagal ma ahan in Kheyraadka ku jira Baddeena ay Maraakiib Shisheeye si sharci darro ah isaga gurtaan, isla markaana la yiraahdo waxaa la sugayaa inta ay Dowladda Federaalka ka soo gaareyso”ayuu yiri C/raxmaan Maxamed Bangax oo sheegay in Puntland ay xaq u leedahay in ay ilaaliso Xeebaheeda, isla markaana ay heshiis la gasho ciddii ay daneyneyso.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).