15 C
London
Friday, November 7, 2025

Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ku baaqay in loo gurmado Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 29, 2007(HOL): Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed ee wax heysta in ay u gurmadaan dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho.

 

Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) waxaa uu sheegay in dad badan oo ka barakacay dhibaatooyinka ka dhacaya Magaalada Muqdisho ay xaalad nolol xumo ah ku heysato Deegaanada Galgalato, Shiikh Cali Cabdulle iyo Ceelasha Biyaha, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed in ay dadkaas si deg deg ah ugu gurmadaan.

 

Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha waxaa uu ku cel celiyay in dadkaas ay yihiin kuwo aan is-dhaamin oo aan heysan cunto, hooy iyo biyo ay cabaan, wuxuuna caddeeyay in haddii aan dadkaas loo gurman ay nafsaddooda halis ku jirto.

 

Dadka u barakacay deegaanada uu sheegay Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ka carareen iska hor-imaadyada hubeysan, qaraxyada iyo madaafiicda ay is-weydaarsadaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Haddaba iyadoo uu Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha uu baaqaas jeedinayo ayaa hadana waxaa maanta magaalada Muqdisho ka barakacay dad badan oo hor leh, kuwaasi oo qaarkood gaaray Degmada Afgooye iyo Nawaaxigeeda.

 

Dadkani maanta ka barakacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in ay u adkeysan waayeen madaafiic aan loo meel dayin oo ay habeenkii dushooda isugu adeegsadaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).