Arbaco, August 29, 2007(HOL): Dowladda China ayaa ugu deeqday Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgelaya Soomaaliya lacag gaareysa 300,000 Doollar, iyadoo sheegtay in lacagtaas ay tahay mid ay ku taageereyso howlgallada lagu nabadeynayo Soomaaliya.
Guddoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omer Konnare oo ka hadlay xaflad lacagtaas lagula wareejinayay ayaa Dowladda China uga mahadceliyay taageerada ku bixineyso Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgelaya Soomaaliya, wuxuuna sheegay in taageero taas la mid ah oo caalamka laga helo ay fududeyneyso in ciidamo ka socda Midowga Afrika loo diro Soomaaliya.
Guddoomiyaha Midowga Afrika waxaa uu sheegay in ay taageerayaan wada hadallada ka socda magaalada Muqdisho, isla markaana ay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay ku xoojinayaan natiijooyinka ka soo baxa wada hadalladaas xalka loogu raadinayo mushkiladda Soomaaliya.
Sidoo kalena waxaa xafladdaas ka hadlay Danjiraha Dowladda China u fadhiya dalka Itoobiya Mr. Lin Lin, wuxuuna sheegay in Dowladdiisa ay si hoose ula socotay waxyaabaha ka socda Soomaaliya, isagoo caddeeyay in ay si weyn u daneynayaan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socda.
Mr. Lin oo sidoo kale oo ah Wakiilka Dowladda China ee Midowga Afrika waxa uu intaas ku daray in Dowladdiisa ay ku talagashay in ay sii waddo taageerada ay ku bixineyso dadaallada Midowga Afrika uu ku doonayo in uu soo celiyo nabaddii iyo xasiloonidii Soomaaliya.
Dalal Dhowr ah oo Midowga Afrika ka tirsan oo horay u ballanqaaday in ay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in aysan heynin dhaqaale ay Ciidamadooda ku geeyaan Soomaaliya, waxayna dalalkaas kala yihiin Burundi, Malawi, Nigeria iyo Ghana.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia