Arbaco,
Xaafadaha u dhow Isbitaalka SOS, halka la yiraahdo Shineemo Cabdi Waayeel, iyo Warshaddii Barafuunka ayay dagaalladii xalay ka dhaceen kadib markii fariisimo ay Ciidamada Dowladda Federaalka halkaas ku lahaayeen weerar lagu qaaday.
Afhayeenka Ciidamada Booliska u qaabilsan Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa sheegay in aaney jirin wax khasaare ah oo weerarradaas ka soo gaaray Ciidamadooda, wuxuuna sheegay in ay Ciidamadu iska caabiyeen Kooxihii soo weeraray.
Dadka degan Degmada Heliwaa ayaan hurdo fiican seexan habeenkii xalay ahaa, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo dushooda la isugu adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan. Qoysas badan oo halkaas ku dhaqan ayaa saakay waxay isu diyaarinayaan sidii ay uga guuri lahaayeen Xaafadahooda oo noqday aag dagaal, inkastoo ay jiraan dad ku adkeysanaya in ay meeshooda sii deganaadaan.
Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada habeenkii waxaa ka dhaca weerarro qaraxyo wata oo lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, iyadoo weerarradaasina la sheego in ay ka dambeeyaan kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.
Dhanka kalena, xaafadaha kale ee magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa deganaa, mana jirin wax dagaallo ah oo ka dhacay, walow ay habeen hore dagaallo ka dhaceen xaafado dhowr oo Muqdisho ku yaala.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






