13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso u tegay arrimo la xiriirta Adkeynta Nabadgelyada

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco,
August 29, 2007(HOL): Madaxweynaha Dawlad Goboleedka  Soomaaliyeed ee Puntland Maxamud Muse Xirsi (Gen Cadde) ayaa maanta soo gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

 

Madaxwaynaha ayaa warfidiyeenada ugu sheegay xarunta Madaxtoooyada in arinta ugu weyn ee Boosaaso keentay ay tahay Arrimaha ammaanka oo uu sheegay in uu aad u saluugsan yahay sidii uu ahaa beryihii dambe ammaanka Boosaaso gaar ahaana dilalkii loo gaystay Saraakiil dhanka amaanka qaabilsanaa, gaar ahaana dhinaca  Sirdoonka.

 

Madaxwaynaha  ayaa muddo bilooyin ah ku sugnaa magaalada Caasimada ah ee Garowe isagoo sidoo kale booqday Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waana  markii ugu horaysay ee uu Boosaaso soo gaaro tan iyo Socdaalkiisii Muqdisho.

 

Mar sii horaysay ayay ahayd markii ay Xubnaha baarlamaanka Puntland ku eedeeyeen Xukuumadda Cadde Muuse in ay ka guurtay Caasimadda Garowe oo ay howlihii dowladda u leexiyeen magaalada Boosaaso  oo ah Halbowlaha dhaqaalaha Puntalnd,  waxaana hadda muuqata in Golaha Xukuumada uu ka jawaabay eedeyntii Baarlamaanka marka la eego mudada bilooyinka dhan ee uu madaxwaynuhu ka maqnaa Boosaaso .

 

Intii aanu soo gaarin Boosaaso wuxuu ku hakaday madaxwaynuhu Degmada Carmo oo ay ku taalo xarun wayn oo lagu tababaro ciidanka Booliska Soomaaliyeed  oo ay xiligan ku xaraysan yihiin ku dhowaad 600 oo Askar ah oo loo tababarayo DFKMG .

 

Ugu dambeyntiina, Madaxwaynaha Puntland ayaa laga  yaabaa in uu dalka dibadiisa u aado arrimo la xiriira xaaladdiisa caafimaad isagoo dhowaan ka sheegay magaalada Garowe in uu labo bilood kadib dhacay Tijaabadii  lagu samayn iray caafimaadkiisa

 

Maxamed Axmed (Ilka-case)

ilkacase2010@hotmail.com

Bosaso, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).