Talaado,
Seddex Bambaano ayaa Hotelka lagu tuuray, kuwaasi oo labo ka mid ah ay qarxeen, halka Bamkii kalena gudaha Hotelka laga qaaday isagoo aanan qaxin, waxaa sida ay Hiiraan Online u sheegeen Dad goob-joogayaal ah.
Qaraxaas ayaa markuu dhacay kadib ayaa waxaa Hotelka tegay Ciidamo Boolis ah oo xaafadaha ku hareeraysan Hotelka baaritaan ka bilaabay.. qaraxani oo ah mid saameyn ku yeeshay dadkii deganaa hoteelka iyo weliba dadkii macaamiisha la ahaa ee ka cunteynayay ayaa waxaa la soo deristay cabsi ah in Hotelka mar kale lagu soo qaado weerarro kale.
Ugu dambeyntiina, ma ahan markii ugu horreysay oo bam gacmeed lagu weeraro Hotel ku yaala magaalada Baydhabo oo ay dagan yihiin Xildhibaano ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, waxaana horay Bambooyin loogu tuuray Hotel lagu magacaabo Teesey oo isla magaaladaas ku yaala.
Abshir Maxamed Nuur (Mandeela)






