13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Hay’adda CRD oo magaalada Beledweyne Seminaar ugu soo gebagebeysay Haween Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, August 28, 2007HOL): Aqoon-isweydaarsigan oo dhanka kale marka laga eego lagu baranayay Doorka haweeynka ee ka qeyb-galka Xalinta khilaafaadka iyo Nabad dhisida, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay in ka badan 50 Haween ah oo ka socday Gobalada Hiiraan Gal-gaduud iyo Mudug kuwaasoo siweyn uga dooday qodobka ku saabsan kaalinta ay ku yeelan karaa go’aan ka gaarista xalinta khilaafaadka.

 

Maryan Xaaji Maxamuud oo ah Madaxa garabka Haweenka Xarunta Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD isla markaana xiriiriye ka aheyd Aqoon-isweydaarsiga ayaa sheegtay in haweenku yihiin kuwa inta badan ay ku dhacaan dhibaatooyinka ka dhasha khilaafaadka beelaha sidaa daraadeed kulamada noocan oo kale ah ujeetada laga leeyahay tahay sidii loo xoojin lahaa kalita hada ay haweenku ku leeyihiin arimaha dib u hishiisiinta iyo dhalinta nabad waarta oo ah mid inta badan raga oo kaliya go’aanka ugu danbeeya ka gaaraan.

 

Haweenkii ka qeyb-galay Aqoon-isweydaarsiga ayaa soo bandhigay Doodo iyo Fikrado dhamaantood ku saleysan sababta keentay in  aysan ka muuqan fadhiyada lagu go’aamiyo arimaha dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka, waxaana qaar ka mid ah haweenku Eedda arintaas dusha ka saareen Raga oo ah sida ay hadalka u dhigeen kuwo aan ogoleyn in haweenku kala qeyb-galaan kulamada arimahaa looga hadlayo.

 

Sidoo kale Haweenka qaarkood ayaa sheegay in Aqoontooda  ku aadan arimaha dib u hishiisiinta oo ah mid aad u lidata sabab u tahay in aysan ku yeelan Door muuqda oo la taaban karo ka qeyb-galka xalinta khilaafaadka, waxaana ay ku taliyeen haweenkaasi in la badiyo doodahan oo kale si markaa loo kobciyo aqootooda ku aadan qaabka Nabad dhisida.

 

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay Aqoon-isweydaarisga Filim si weyn u soo jiitay ka qeyb-galyaasha oo ay soo diyarisay Xarunta Cilmi baarista iyo wada tashiga Soomaaliyeed ee CRD kaasoo sawir guud ka bixinayay doodaha u dhaxeeya Raga iyo Dumarka iyo waliba sida haweenku mar walba xooga u saaraan in laga qeyb-galiyo  dhisida Nabada lakiin Ragu aysan siweyn u la dhacsaneyn.

 

Madaxa Xarunta Cilmi baarista iyo wada tashiga Soomaaliyeed CRD ee goballada dhexe Eng. Max’ed Xasan Kulmiye ayaa sheegay in u jeetada loo qabtay Aqoon-isweydaarsigu tahay in laysku dhaafsado figrado Ra’yi ku saleysan qodobada laga hadlayo, lakiin waxaa uu sheegay in aan loo qaadan in haweenka wax la barayo, waxaana uu intaa sii raaciyay in Xaruta CRD tahay mid mar walba ku dhisan wax yaabaha ka soo baxa kulamada loo qabto qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Ugu  dambeytiina waxaa halkaas Suugaan iyo Gabayo ka hadlaya qiimaha haweenku u leeyihiin Bulshada inteeda kale ka soo jeediyay Abawaan Max’ed Max’uud  (Qaa-qaay) oo dhanka kalana ka soo qeyb-galayaasha dib u xasuusiyay mar xalada maanta u dalka marayo, waana markii ugu horeysay oo magaalada Beledweyne lagu soo gabo gabeeyo Aqoon-isweydaarsigan oo kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).