13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Shir looga hadlay Colaad labo Beelood ugu dhaxeysa Deegaanno ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo Muqdisho lagu qabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, August 28, 2007HOL): Kulan balaaran oo ka dhacay Hotelka Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid xubno gaaraya 50-Xubnood oo ka kala socday labda Beelood ee kala dega deegaannda Wabxo iyo Maxaas oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

 

Kulankan ayaa ahaa mid daba socday kulamo xiriir ah oo ka dhacay dalka gudahiisa iyo dibaddiisa tan iyo markii labada beelood uu khilaafkoodu soo if-baxay mudooyinkaan dambe.

 

Nabdoon Daahir Cabdi Kulmiye oo ka soo jeeda Beesha Murusade ayaa sheegay gogosha kulanka ay dhigeen beeshooda Murusade, muhiimadda ay ka leeyihiina ay tahay in heshiis buuxa laga gaaro dagaallada ka soconaya halkaas.

 

Sidoo kale Nabadoon Cusmaan Afraxow Guure oo ka soo jeeda Beesha Xawaadle ayaa isna sheegay inay beeshooda  soo dhaweyneyso gogosha loo fidiyay iyo heshiiska ay wada gaareen labada dhinac, ayna ka wada xun yihiin dhiigga walaalaha ah ee daadanaya.

 

Labada beeloo ayaa heshiiskooda waxaa ka mid ahaa qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen

 

In la joojiyo Xabada.

 

In la kala qaado maleeshiyooyinka labada beelood.

 

Iyo in la kala dhex dhigo ciidamo inta heshiisku dhaqan gal ka noqonayo.

 

Sidooo kale waxey ku heshiiyeen in mudo 24-saacadood gudahood ay ku magacaabaan gudiyo u amba baxa deeganada ay dirirtu ka dhacday.

Isha Warka: Somaliweyn Media Center

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).