Talaado, August 28, 2007HOL): Xaaladda Ammaan ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxay mar kale noqotay mid faraha ka baxday, waxaana dib u soo laabtay qaraxyadii iyo iska hor-imaadyadii gudaha Suuqaas ku dhexmari jiray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.
Muddo seddex maalmood ah oo ay maanta ku jirto ayaa Suuqa Bakaaraha waxaa uu yahay mid ay qaraxyo iyo is-rasaaseyn ka socdaan, waxaana ilaa saakay dhacay Afar qarax oo lagu bartilmaameedsanayay Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo iyana markii waxyaabaha qarxa lagu tuuray furay rasaas tiro badan.
Maalintii shalay ahayd waxaa gudaha Suuqa Bakaaraha iyo duleedyadiisa ka dhacay ilaa 10 qarax oo geystay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo maalintii ka sii horeysayna qaraxyo dhacay ay ku naf waayeen Qoys ka koobnaa seddex ruux oo marayay wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha, gaar ahaana Isgoyska Howl-Wadaag.
Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa bishii aynu ka soo gudubnay waxaa uu xaalad fowdo ah ku jiray muddo 18 maalmood ah, iyadoo mudadaasna ay gebi ahaanba istaageen dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga, walow markii dambe wada hadal dhexmaray Guddiga Ganacsatada Suuqa iyo Guddiga Ammaanka Qaranka uu suurtageliyay in uu dib u bilowdo ganacsigii Suuqaas.
Ugu dambeyntiina xaaladda Suuqa Bakaaraha ayaa haatan waxay tahay mid aad u kacsan, waxayna ganacsatadu bilaabeen in ay irdaha u laabaan goobahooda ganacsiga, isla markaana ay guryahooda iska aadaan bacdamaa uu Suuqa noqday mid ay ku dagaalamayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






