13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Weerarro Qaraxyo watay oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, August 28, 2007HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay Weerarro lagu qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Weeraradan oo ka dhacay fariisimo ay Ciidamadu degan yihiin oo ku yaala xaafado dhowr ah oo Muqdisho ku yaala ayaa waxay ka kala dhaceen Xarunta Warshaddii Tolmada, Isgoyska Ex-Koontarool Balcad iyo Xeradii Guul-Wadayaasha.

 

Weerarradan oo dhacay waqtiyo isu dhow oo xalay fiidkii ah ayaa waxaan la sheegin wax khasaare ah oo ay dhaliyeen, walow ay argagax ku rideen dadka degan nawaaxiga Fariisimada Ciidamada ee la weeraray, waa sida uu sheegay u qeybsanaha Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda C/waaxid Maxamed Xuseen.

 

Xaafadaha u dhow fariisimadii xalay la weeraray ayaa saakay waxaa ka socda howlgallo baaritaanno ah oo ay wadaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyadoo howlgalladaasina lagu qabqabtay dad la tuhunsan yahay in ay lug ku lahaayeen weerarradii xalay dhacay.

 

Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada habeenkii waxaa ka dhaca weerarro qaraxyo wata oo lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, iyadoo weerarradaasina la sheego in ay ka dambeeyaan kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, weerarradan aan kala joogsiga lahayn ee ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa waxay dad badan ku kalifeen in ay guryahooda isaga cararaan, isla markaana ay raadsadaan meel ay uga badbaadaan dhibaatooyinka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).