Isniin, August 27, 2007(HOL): 8 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qaraxyo gaaraya 10 oo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo Isgoyska Baar Ubax ee duleedka Suuqa Bakaaraha; waxaana dadka ku dhaawacmay ay ahaayeen dad rayid ah.
Dadkan ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho si halkaas loogu daweeyo, iyadoo dhaqaatiirta Isbitaalkaasna ay sheegeen in dadka dhaawacyada qaba ee la soo gaasiiyay ay dhaawacyadoodu yihiin kuwo kala duwan.
Qaraxyadaan ayaa waxay ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsanayay ciidamada Booliiska Dowladda, waxaana dadka ku dhaawacmay ay ahaayeen dhamaantood kuwo rayid ah oo aan waxba galabsan.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in in qaraxyadan ay ahaayeen kuwo ay ka dambeeyaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan kuna dhaawacma qaraxyadaas iyo rasaasta ay yihiin kuwo aan waxba galabsan.
Dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in dadka la gaarsiiyay Isbitaalkaas ee dhaawacyadu ay gaareen ay ahaayeen dhaawacyadooda kuwo culus, balse ay dadaal dheeraad ah sameynayaan, si ay u daweeyaan.
Iska-horimaad loo adeegsaday bastoolado iyo qoryaha daran-doorriga u dhaca ayaa sidoo kale maanta waxaa uu ku dhex maray Suuqa Bakaaraha kooxo aan la garanayn iyo ciidamada Booliska Saldhigga Degmada Howl-Wadaag oo qaraxyada ka dhacay Bakaaraha intooda badan lala beegsanayay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






