13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo Xabsi sanado ah lagu xukumay kadib markii ay dhac u geysteen Dad rayid ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 27, 2007(HOL): Xukunno kala duwan ayaa maanta lagu riday Ciidamo ka amar qaata Dowaldda Federaalka Soomaaliya; kadib markii lagu eedeeyay in ay isbaaro u dhigteen dad shacab ah, kana qaateen lacago iyo Taleefoonnada gacanta oo ay wateen.

 

Askartaan ayaa waxaa la sheegay in ay qirteen fal dembiyeedka ay geysteen  oo dhan, waxaana dabadeed lagu xukumay sanado kala duwan, iyadoo sanadaha lagu xukumayna ay maanta ka bilaabanayaan.

 

Dhamme; Cumar Cabdi Cilmi, Dable Xuseen Maxamed Dhurwaa iyo Dable Cali Maxamed Xasan oo ka tirsan ciidamada Gobolka Banaadir, ayaa waxaa lagu xukumay min 4-sano oo xarig ah, inkastoo aan la sheegin waxa u wehliya xariggaas.

 

Sidoo kale waxaa xukunno min 2 sano ah lagu xukumay askar kale oo ka tirsan ciidamada Mileteriga Soomaaliya, iyadoo iyana lagu soo eedeeyay in ay falal burcadnimo ah kula kaceen dad ku dhaqan Magaalada Muqdisho, waxayna askartaas magacyadooda kala yihiin Kormeere Koowaad Aadan Cali Maddeey, Dable Cabdi Yuusuf Ibraahim iyo Dable C/llaahi Sheekh Cabdi.

 

Madaxa Xiriirka Booliiska iyo Saxaafadda C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa sheegay in askartaas ay galeen falal dambiyeedyo lagu caddeeyay, isla markaana askarigii lagu soo qabto fal dambiyeed ka dhan ah howsha uu hayo la saari doono maxkamad, isla markaana xukun lagu ridi doono.

 

Xeerarka loo cuskaday askartaan ayuu ku sheegay C/waaxid Maxamed Xuseen in uu yahay midka ciqaabta ee Lambarkiisu yahay 166, wuxuuna caddeeyay in askartan ay qirteen dembiyada ay galeen ee burcadnimada la xiriira.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).