Isniin,
Shilkan baabuur ayaa ku dhacay gaari noociisu yahay Toyota Mark II ah, kaasi oo ka baxay wadada Laamiga ah ee buundada Tuulada karin oo 40 KM u jirta magaalada Boosaaso.
Warar ay Shabakada warbaahinta Hiiraan Online ka heshay dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in sababta uu gaarigu u dhacay ay ahayd kadib markii uu ku sinbirixday ama ku siibtay Laamiga oo xiligaasi roob mahiiigaan ahi uu ka da’ayay.
Dadka dhintay qaarkood waxay naftu deysay iyagoo ku soo jira dhabaha xili loola soo cararayay Hospitalka, si loola tacaalo xaaladdooda caafimaad halka qayb ka mid ahina ay ku naf waayeen isla goobtii u shilku ka dhacay, waxaana dadka dhintay ka mid ahaa wadihii gaariga.
Shilka gawaaridu beryihii ugu danbeeyay wuxuu ahaa mid si joogta oo kale uga dhacay wadada halbowlaha ah ee isku xirta deegaanda Puntland waxaana loo aneeyaa inta badan Masuuliyad daro ka timaada dhanka Dareewalada
Maxamed Axmed Maxamed (Ilka-case), Hiiraan Online






