Isniin,
Dhamme Yuusuf Maxamed Cismaan (Uurxaad) oo ah Taliyaha Saldhiga Bartamaha ee Boosaaso oo aanu saaka ku booqanay xafiiskiisa ayaa noo Xaqiijiyay Howlgaldan. Dhmme Uurxaad wuxuu Sheegay in la bartilmaameedsanayo Gawaarida aan Sumadda Taarikada ah lahayn oo uu ku eedeeyay in inta badan lagu fuliyo Falalka Dilka ah iyo baaritaan lagu hayo dadkii ka danbeeyay Dilal kala duwan oo lagula kacay Saraakiil dhanka amaanka qaabilsan Maamulka Puntland.
Dhamme Uur-xaad wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalladan dhanka amaanka ah ilaa iyo inta ay ka gaarayaan guulo la taaban karo isagoo intaasi raaciyay in aaney waqti cayiman u qabin karin.
Hawlgaladan ayaa si weyn looga dareemay magaalada Boosaaso, gaar ahaan xiliga habeenkii ayaa waxaa wada ciidamada Booliiska waxayna howlgalladooda ku soo aadayaan iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey magaalada Boosaaso ay ka dhaceen falal amaan darro ah, gaar ahaan dilal loo geystey saraakiil ka mid ahaa Ciidamada Booliiska qaybta Sir-doonka.
Sidoo kale hawlgalladan ayaa ku soo aadaya xili Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Max’uud Muuse Xirsi uu shalay magaalada Garowe kaga dhawaaqay in magaalada Boosaaso ay amni darro ka wadaan dad dool ah iyo kuwa Puntland u dhashay oo doonaya in ay xasiloonida wax u dhimaan, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku xiran yihiin mucaaradka DFKMG ah.
Gen.Cade Muuse wuxuu tibaaxay in dadka qaska ka wada magaalada Boosaaso ama Puntland tallaabo xooggan laga qaadi doono, isagoo uga digay kooxahaasi in ay sii wadaan falalka amaan xumada ah, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in ay heleen warar sheegaya in dad badan oo doonaya in ay amaanka qasaan ay soo galeen Puntland.
Ugu danbayntii Taliyaha Saldhiga Bartamaha Boosaaso Dhamme Yuusuf Maxamed Cismaan(Uur-xaad) wuxuu ka codsaday Shacabka magaalada Boosaaso ku dhaqan in ay gacan siiyaan Ciidanka ammaanka oo ay la shaqeeyaan, isla markana ay ku soo wargeliyana wixii ammaanka wax u dhimaaya.
Maxamed Axmed Maxamed (Ilka-case), Hiiraan Online






