Isniin, August 27, 2007(HOL): Abwaanka da’da yare ee Yuusuf Maxamed Muumin (Yuusuf Yare) oo lagu xusuusto Ruwaayadii ( Yaa u Wanqalay Waqtiga) ayaa habeenkii labaad ku xiran Xabsiga Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay kadib markii xildhibaan ka tirsan baarlamaanka uu ku sheegtay inuu kul leeyahay lacago fara badan.
Yuusuf Yare oo dhawaan ka yimid dalka Dibaddiisa ayaa sheegay in Hotelkii uu ka daganaa Baydhabo ay ka kaxeeyeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Gobolka Bay, ayna geyeen xarunta dambi baarista gobolka Bay, isagoo lagu wargeliyay in loo haysto lacago uu ka lunsaday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, balse uu iska fogeeyay abwaanka jirtaanka lacagta lagu sheeganayo.
Abwaanka ayaa sheegay inuu maqlay inuu soo dacweystay mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo cadddeeyay in uusan garaneyn cid ka tirsan baarlamaanka oo uu lacago ka qabo, iyadoo uu sheegay in magaca Xildhibaanka lagu sheegtay loogu sheegay Nuuroow.
Abawaan Yuusuf Yare, wuxuu sheegay in xildhibaanka dacwada u qaba uusan weligiis arag, isla markaana uusan aqoonba u lahayn, ka sokoow dacwadda lacageed ee uu u haysto, waxaana uu sheegay in booliska ay u soo wareejiyeen saldhigga degmada Baydhabo, uuna halkaas ku xiran yahay.
Abwaan Yuusuf Yare oo mar sii horeysay yimid Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo doortay Guddoomiyaha Fannaaniinta Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa ku sugan, walow ay xafladdii doorashadiisa ka maqnaayeen Fannaaniin waa weyn oo magaalada Muqdisho ku sugan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






