13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Ciidamada Booliska Saldhigga Xamar-weyne oo toogasho ku dilay Qof ay sheegeen in uu weerar bambaano ku soo qaaday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 27, 2007(HOL): Afhayeenka Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa sheegay in wiil dhalinyaro ah oo weerar ku qaaday Ciidamada Booliska Saldhigga Degmada Xamarweyne ay toogteen askarta; kadib markii uu diiday amar ahaa inuu istaago.

 

Ciidanka Saldhigga Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir ayaa dhankooda sheegay inay saakay toogteen wiil dhallinyaro ah oo bambaano kuwa gacanta ah ku soo weeraray saldhigga, isla markaana ay ciidamadu toogteen isagoo cararaya, kadib qaraxa bamkii uu tuuray.

 

Qaraxa bamka ayaa la sheegay in uu ahaa mid ku dhacay qaybta dambe ee saldhigga, waxaana uu sheegay afhayeenku inuusan wax khasaare ah geysan, inkastoo ay booliisku sheegeen in uu jiraan firirro ku soo daatay askarta korkooda, walow aysan wax dhibaato ah oo weyn aysan soo gaarin.

 

Dadweynaha deegaanka Xamar-weyne ayaa waxay sheegeen in ruuxaas meydkiisa uu yaallo weli halkii lagu dilay oo ay ilaalo ka hayaan ciidamada Booliiska Saldhigga Degmada Xamarweyne.

 

Ma jiraan warar ka madax bannaan booliska oo xaqiijinaya in ruuxa dilka loo geystay oo ah wiil dhallinyaro ah uu ka dambeeyay bamka ku qarxay dhabarka dambe ee Saldhigga booliiska Degmada Xamarweyne.

 

Waa markii labaad oo saldhiggaas lagu weeraro bambaanooyinka gacanta laga tuuro 48-kii saac ee ugu dambeysay, waxaana bamkii hore ku dhaawacmay 4-qof oo laba ka tirsan ay ahaayeen ciidamada Booliiska Saldhiggaas, iyadoo uu baxsaday ruuxii bamkaas ku weeraray saldhigga.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).