13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Guddoomiyaasha Degmooyinka Buur-hakaba; Diinsoor iyo Qansax-dheere oo damiin lagu sii daayay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 27, 2007(HOL): Shir Jaraa’id oo uu Baydhabo ku qabtay guddoomiyaha gobolka Bay Maxamuud Maxamed Barbaar ayaa sheegay in guddoomiyaaasha degmooyinka Buur-hakaba, Diinsoor iyo Qansax-dheere looga sii daayay xabsiga qaab damiin ahaan ah, balse ay weli socoto dacwadda loo haysto.

 

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in mas’uuliyiintan loo haysto dambiyo kala duwan, isagoo xaqiijiyay in ay dacwaddooda soconeyso iyagoo bannaanka ka jooga xabsigii ay ku jireen muddadii 5-ta maalmood ahayd ee la soo dhaafay.

 

“Mas’uuliyiintan waxaa loo haystaa dembiyo, waxaana go’aanku yahay in aysan ka bixin gudaha Degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, oo ay ku sugnaanayaan inta ay ka dhammaanayaan dacwooyinkooda” ayuu yiri Xaaji Barbaar oo sheegay in xubnahaan aysan saxaafadda gudaha iyo tan dibaddaba la hadli karin, inta ay socdaan dacwooyinkooda iyo baaritaannadooda.

 

Xaaji Barbaar, wuxuu ka gaabsaday inuu si cad u sheego dacwadda loo haysto, waxaase uu sheegay in ay saxaafadda heli doonto marka ay dacwaddooda billaabato, iyadoo lagu wado in dacwaddooda ay maanta ka billaabanayso Maxkamadda sare ee Gobolka Bay.

 

Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in sii deynta Mas’uuliyiintan ay ka dambeysay kadib markii ay kulamo qaateen Madaxda Ammaanka Gobolka Bay, Guddiga Ammaanka Qaranka, Maamulka Gobolka Bay iyo weliba Taliska Booliiska Gobolkaas, kuwaasi oo wada aqblay damiinta lagu sii daayay mas’uuliyiintan ka tirsan Maamulka Gobolka Bay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).