Isniin, August 27, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo Soomaali ah ayaa waxay saakay markii waagu baryay ka billaabeen gudaha Degmada Huriwaa, gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha baaritaanno hub lagu baadi-goobayo, waxaana baaritaankan uu ku soo aaday iyadoo Magaalada Muqdisho ay ahayd xalay mid degan.
Ciidamadaan ayaa waxay xireen inta u dhexeysa agagaarka Ceymiskii illaa deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, waxaana gabi ahaan ay diideen in ay waddooyinka waaweyn maraan dadka iyo gaadiidkaba, waxaana ciidamadaas ay wadaan baaritaanno xooggan.
Gawaarida iyo dadka ayaa waxaa la sheegay in ay si dhuumaaleysi ah u isticmaalayaan waddooyinka yaryar ee xaafadaha dhex-mara, iyadoo ciidamadu ay diidayaan sidoo kale in xaafadaha ku dhow-dhow laamiga ay dadka ka soo baxaan guryahooda, ayna isticmaalaan waddooyinkaas.
Ma jiraan sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaannadaas wax gawaari dagaal ah oo ay ciidamadan wataan, waxaase wararku sheegayaan in baaritaanka ugu ballaaran uu ka socdo deegaanka Suuqa Xoolaha oo maalmihii ugu dambeeyay ahaa mid ay rabshado ka jiraan.
Rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa ahaa kuwo dhacay shalay, waxaana rabshadahaas oo socday afar saacadood oo xiriir ah ay sababeen dhimasho iyo dhaawac isugu jira askarta Dowladda iyo sidoo kale dad rayid ah oo xaafadahaas ku suganaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






