13.3 C
London
Saturday, November 8, 2025

Ugaaska beesha Ceyr oo nabadeyn ka dhex bilaabay beelihii ku dagaalamay gobolada dhexe

- Advertisement -spot_imgspot_img
Axad, 25, Agu, 2007 (HOL)  Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaaska Beesha Ceyr ayaa sheegay in uu jiro dadaalo la doonayo sidii meel laysugu keeni lahaa Wax-garadka iyo Odayaasha Beelaha Xawaadle iyo Murusade oo dhawaan dagaal culus ku dhax-maray qeybo ka mid ah deegaanada u dhaxeeya Degmooyinka Maxaas iyo Ceel-buur oo ka kala tirsan Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud.
 
Ugaas Max’ed waxaa uu sheegay in xiriir uu la sameeyay dhinacyada ay quseyso arinta ku saabsan colaada labada dhinac ay ka wada aqbaleen, isaga oo intaa ku daray in dhawaaw la qaban doono kulan balaaran oo lagaga wada hadlayo sidii loo soo afjari lahaa dagalada ka dhax-socda labada beelood.
 
“Xiriir aan la sameeyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo Ugaas C/qaadir Ugaas Faracade aad bey u soo dhaweeyeen in arinta laga furo wada hadal ayuu yiri Ugaas Max’ed oo intaa kusii daray in gogosha uu isaga fidin doono,  Lakiin waxaa uu shaki ka muujiyay halka madasha wada hadalka laga dhigayo oo loo baahan yahay ayuu yiri in ay noqoto goob dhax dhaxaad ah.
 
Waa markii ugu horeysay oo colaada ka taagan qeybo ka mid ah Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud sidii loo soo afjari lahaa ay soo fara-galiyaan Ugaasyada maadaama markii hore xaalku uu ahaa mid ah faraha ku hayaan Odayaasha dhaqanka.
 
Dagaalada mar kale ka soo dhax-cusboonaday Beelaha Murusade iyo Xawaadle ayaa inta la og-yahay dadka ku dhintay labada dhinac waxaa ay gaarayaan ilaa 30 Ruux Wixii ka danbeeyay hishiis 12 July ay kala saxiixdeen wax-garadka labada beelood,  waxaana dhinacyada dagaaladaa canbaareeyay ka mid ah Madax dhaqaaqa Bulshada rayidka Gobalka Hiiraan Max’ed Cismaan Timo-jilic oo ku tilmaamay soo noq-noqoshada dagaalka in ay sabab u tahay hogaanka labada dhinac oo ah mid aad u jilicsan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).