13.3 C
London
Saturday, November 8, 2025

Weerarro xalay lagu qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 23, 2007(HOL): Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiya ayaa xalay waxay weerarro kala duwan ku qaadeen saldhigyada booliiska ee degmooyinka Wadajir iyo Hodan; waxayn sidoo kale weerar ku qaadeen ciidammo ku sugnaa agagaarka Isgoyska Florenza.

 

Weerarradaan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen intala hubo ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ay ahaayeen ciidammada Booliiska saldhigga degmada Hodan, balse madaafiicda la isdhaafsanayay ayaa waxay sababeen burbur guryo iyo geedo ku yaalla xaafadahaas.

 

Weerarkii ugu horreeyay ayaa lagu qaaday saldhigga degmada Wadjifr, iyadoo la sheegay in baasuukayaal iyo sidoo kale ay dhinacyada dagaalamayay is weydaarsadeen, balse aan la sheegin wax khasaare ah oo ku dhashay.

 

Saldhigga Degmada Hodan ayaa isagana weerar xooggan lagu qaaday saqdii dhexe ee xalay, waxaana halkaas ku dhaawacmay saddexda askari ee ay sheegeen booliiska inay ka dhaawacmeen, iyadoo C/waaxid Maxamed Xuseen madaxa Xafiiska Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda ee Booliiska Soomaaliyeed uu sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday ay khasaarooyinka gaareen, balse uusan sheegin inta ay le’ekaayeen.

 

Qaar ka mid ah shacabka daggan agagaarka saldhigga booliiska ee degmada Hodan ayaa sheegay inay muraayadihii guryaha jajabeen xoogga madaafiicda la isku dhaafsanayay korkood awgeed.

 

Dhanka kale, kooxo kale ayaa waxay xalay weerar xooggan ku qaadeen ciidammo ku sugnaa agagaarka isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley, iyadoo la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay cunug yar oo la sheegay inay rasaastu ugu tagtay gurigiisa, balse aan la aqoon khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaallamay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).