Khamiis,
Gacma-dheere, ayaa sheegay in dowladdiisu ay tababar u soo gabagabeysay ciidammo gaaraya 4500, kuwaasoo loogu talogalay inay howshaan qabtaan, isagoo caddeeyay in howshaan ay tahay mid ay dowladdu soo wadday ka baaraandaggeeda muddo dheer.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa ku eedeeyay dagaallada ka socda Muqdisho inay wadaan kooxaha ka haray Maxkamadihii Islaamiga ahaa oo aad u yar weliba ku dhuumaaleysanaya xaafadaha Muqdsiho qaarkood.
“Waxaan wax badan ka shaqeynaysay sidii ay ku xasilin lahayd Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaan diyaarinnay ciidammo, waxaana diyaar u nahay inaysan nala dhaafin qorshaha aan kaga saarayno magaalada kooxaha dowladda xilli aan doorannay ee 21-ka maalmood ah” ayuu yiri Gacmadheere.
“Laba qaab ayaa ku wadnaa inaan dalka oo dhan amaan kaga dhalinno, hannaan waa midka shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda Muqdisho, halka hannaanka kalena uu yahay mid aan ku doonayno inaan kula dagaalanno kooxaha dagaallada wada” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere).
“Dowladdu iyadaa mas’uul ka ah nabadda dalka oo dhan, waxayna isku diyaarinaysaa wixii hadda ka dambeeya inay iyadu hanato ammaanka dalka” ayuu u sheegay wariyeyaashii uu shirka jaraa’id ku qabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) oo haatan ku sugan
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online






