Khamiis,
Xaaji Barbaar, wuxuu sheegay in guddoomiyeyaashaan loo haysto inay lunsadeen lacago canshuuraad ah oo ka soo xarooday degmooyinkooda, isla markaana lagu wado in sharciga lala tiigsado, laguna xukumo musqmaasuqa ay sameeyeen.
Wuxuu sheegay guddoomiyaha
Wararka ayaa waxay sheegayaan in sidoo kale guddoomiyeyaal kale oo ka tirsan kuwa gacanta ku haya Degmooyinka Gobolka qaarkood ay iyagana ku socdaan baaritaanno lagu doonayo in lagu xaqiijiyo xisaabaadka ay maamulka u soo gudbiyeen ee canshuuraadka ah, waxaana carrabka lagu dhuftay inuu ka mdi yahay guddoomiyaha Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay Axmed Maaddeey Isaaq.
“Dambiilayaasha, waxaa lagu haystaa lacag, balse ma doonayno inaan idiin caddeyno ka hor inta sharciga laga geynayo, waxaanse idiin caddeynaynaa inay lunsadeen lacago canshuuraad ah” ayuu carrabka ku adkeeyay Xaaji Barbaar, guddoomiyaha
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online






